Xamse Cabdi Barre oo ka digay faafinta wararka been abuurka ah

Image
Ra'iisul Wasaaraha ayaa hadalkan waxa uu ka sheegay shir ka furmay magaalada Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay Shirweynaha Aragti-wadaagga Xakameynta Faafinta Wararka Been abuurka ah iyo Saameynta Taban ee ay Bulshada ku Leeyihiin.

Shirkan oo socon doona muddo Labo maalmood ah, ayaa waxaa si weyn loogu falanqeyn doonaa Saamaynta wararka been-abuurka ay ku yeelan karaan nabadda, xasilloonida, sumcadda dalka, dhaqanka wanaagsan iyo sida loo xakameyn karo.

Xamse ayaa tilmaamay in faafinta wararka aan sugneyn ay khatar weyn ku yihiin amniga qaranka, nabadgelyada iyo wadajirka ummadda, gaar ahaan marka ay faafiyaan argagixisada iyo kuwa lamidka ah ay noqon karto hub wax burburiya.

Xukuumaddiisa ayuu xusay Ra'iisul Wasaaruhu in ay qaadi doonto tallaabooyin sharci ah oo lagula xisaabtamayo kooxaha lagu helo in ay si ula kac ah u faafiyaan wararka been abuur ah, gaar ahaanna kuwa la xiriira amniga qaranka iyo kala qeybinta bulshada.

Wasiirka koowaad ayaa ku booriyay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dhallinyarada in ay si xilkasnimo leh u isticmalaan baraha bulshada, ilaaliyaan anshaxa, halbeegyada saxaafadda iyo hubinta macluumaadka ka hor inta aysan daabicin, dowladduna aysan kaligeed ku guuleysan karin, haddii aan wadajir looga hortagin wararka been abuurka ah.

Shirweynahan oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, waxaa inta uu socdo la isku waydaarsan doonaa doodo cilmiyaysan oo ay ka qaybqaadanayaan hawlwadeenno ka kala socda hay'adaha dowladda, warbaahinta dalka, bulshada rayidka ,culimada ah ah iyo khuburo caalami ah oo gacan siinaya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo sheegay in tallaabo militari ay suurtagal tahay inuu ka qaado Somaliland

Inkastoo uu carrabka ku adkeeyay in wadahadalka iyo xal siyaasadeedku ay yihiin ikhtiyaarka koowaad ee dowladda.

  • Soomaliya

    03-01-2026

  • 07:55PM

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe oo dil ka badbaadey

Hirshabeelle, oo ka mid ah bartamaha Soomaaliya, ayaa noqday goob muhiim ah oo hawlgallo militari laga fuliyo si looga hortago Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-01-2026

  • 08:07AM