Xamse oo amar dul-dhigay masuuliyiinta hay’adaha ammaanka

Image
Dhawaqan ayaa waxa uu ka dambeeyay markii ra'iisul wasaaraha uu la kulmay hogaanka laamaha amniga.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa Sabtida maanta ah waxa kulan kula qaatay Xafiiska Amniga Qaranka.

Kulankan oo ay qeyb ka ahaayeen hey’adaha amniga federaalka iyo maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa looga hadlay sugidda amniga caasimadda Muqdisho.

Is-araggan ayaa si lamid ah waxaa goobjoog ka ahaa madaxda Taliska Booliiska heer federaal, hay'adda Nabadsugidda, Gobolka Banaadir iyo Xafiiska Amniga Qaranka.

Wadahadalkan ayaa waxaa lagu bandhigey Istiraatiijiyadda hannaanka sugidda amniga caasimadda Muqdisho gaar ahaan xilligan lagu jiro bisha barakaysan.

Xafiiska Xamse ayaa yiri "Kooxaha Khawaarijtu waxay caadeysteen [bishan oo kale] inay dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed ee cibaadeysanaya iyo sidii guud ahaan ammaanka loo adkeyn lahaa".

"Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa faray masuuliyiinta in hey’adaha amniga iyo maamulka Gobolka Banaadir looga baahan yahay inay la yimaadaan feejignaan dheeri ah – si Khawaarijtu aanay fursad ugu helin dhibaateynta shacabka bishan cibaadada Alle ku jira," ayaa lagu soo xiray qoraalka.

Xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa aalaaba bisha Ramadan waxaa looga bartey fulinta weeraro iyo qaraxyo ay ka geystaan caasimadda wallow illaa haatan aanan la bixin wax digniin ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo ka digay cawaaqibka ka dhalan kara tallaabo militari oo lagu qaado mucaaradka

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale diiddan in doorashooyinka dalka loo wajaho hannaan aysan dhammaan dhinacyada siyaasadeed isku raacsanayn.

  • Soomaliya

    11-10-2026

  • 08:32PM

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM