Xamse oo booqasho rasmi ah ugu ambabaxay dalka Masar

Image
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ka qeybgalaya shir madaxeed looga hadlayo Isku dubaridka Ganacsiga gaarka loo leeyahay.

QAAHIRA, Masar - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar.

Xamse ayaa lagu waddaa in uu halkaas kaga qaybgalayo shir madaxeed looga hadlayo Isku dubaridka Ganacsiga gaarka loo leeyahay si ay door uga qaataan dadaallada wax looga qabanayo saameynta isbeddelka Cimillada.

"Kulanka oo ah midka sanadlaha ee Bangiga Horumarinta Afrika ayaa sidoo kale madaxdu uga doodi doontaa caqabadaha heysta dhaqaalaha adduunka iyo doorka bangiyada horumarinta ee caalamiga ah," ayuu yiri xafiiska Xamse.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Booqasho ay ku Tilmaantay Sharci-darro Cambaareysay

Warsaxaafadeed ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya soo saartay Talaadadii…

  • Soomaliya

    06-01-2026

  • 09:52PM

Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo Heshiis ka Gaarey Khilaafkooda Shakhsiyeed

Kulankan oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa diiradda lagu saaray sidii loo yareyn lahaa xiisadda siyaasadeed ee dalka.

  • Soomaliya

    05-01-2026

  • 08:02AM