Xasan Sheekh: Dhexdeena in aan dirirno duul nooga daran jiro

Image
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu baaqay dadka degaanka in ay ka fogaadaan colaad beeledyadda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay dadka degaanka in ay ka dhowrsanaadaan khilaafaadka dhexdooda ah "si aysan fursad ugu noqon Khawaariijta Al-Shabaab".

Xasan Sheekh ayaa hadalkan waxa uu ka sheegay degmadda Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe halkaasoo oo uu booqdey "si uu u qiimeeyo xaalada degaanada xoreeyo cadowga," ayay tiri Villa Soomaaliya.

"Hal mid oo xaqiiqo ah oo la isku-raacay waxay tahay dadka degaanka cadowga in ay iska kiciyaan hadaaney rabin lagama kicin karo," ayuu madaxweynaha ku yiri nuqul kamid ah ka hadal-jeedintiisa.

Dhinaca kale, madaxweynaha ayaa ku booriyey dadka degaanada ay howlgalada ciidamadda ka socdaan in ay ka barbar-dagaalamaan ciidamadda ku sugan dhulkooda "ee laga yaabo in badankooda aysan isku heeb ahayn".

"Meelaha ay Khawaariijta wali ku harsan yihiin waa meelaha aysan wali dadkooda kicin. Muxuu idin kor joogaa [Al-Shabaab] oo uu usoo dhuukaaleysahaa"? Dhexdeena in aan dirirno duul nooga daran jiro," ayuu xusay.

Hadalka madaxweynaha ayaa waxa uu kusoo hagaagayaa xilli dowladda federaalka ay ka dhawaajisay in ay qorsheyneyso sidii loo bilaabi lahaa wajiga labaad ee howlgaladda ka dhanka ah Al-Shabaab.

Howlgalada ciidamada ayaa hakad ku jiray dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay. Saraakiisha waxay hakadkan ku sababeeyeen dib-u-qaabeynta istaraatiijiyadda iyo sahay la'aan si gaar ah dhanka hubka iyo gaadiidka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo ka digay cawaaqibka ka dhalan kara tallaabo militari oo lagu qaado mucaaradka

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale diiddan in doorashooyinka dalka loo wajaho hannaan aysan dhammaan dhinacyada siyaasadeed isku raacsanayn.

  • Soomaliya

    11-10-2026

  • 08:32PM

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM