Xasan Sheekh: Kuma sii jiri karno in biilkeena ay dad kale bixiyaan

Image
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku booriyey shacabka in ay bixiyaan canshuurta ku waajibta.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxa uu sheegay in ay tahay in laga gudbo in biilka madaxda dowladda federaalka ay bixiyaan deeq-bixiyeyaasha caalamka.

"Ma ahan in aan kusii jirn in nin indho-buluug ah oo jooga Ingriiska, Maraykan timo dheer oo Washington jooga iyo Carabta Khaliijka in ay bixiyaan biilkeena," ayuu Jimcihii shalay ka dhawaajiyey.

Isaga oo ka hadlayay masjidka ku dhex-yaalla Madaxtooyadda, Xasan Sheekh ayaa waxa uu ku waaniyey Soomaalida in si looga gudbo mar-xaladaas ay tahay in muwaadiniinta ay bixiyaan canshuurta.

Ganacsatada hodanka ah ayuu hoosta ka xariiqay in ay laga maarmaan ay tahay in ay kordhiyaan canshuurta ay haatan siiyaan dowladda si loogu fuliyo adeegyadda aas-aasiga ah ee dowladnimada.

"Gaariga bulletproof-ka noociisa P7 $180-kun doolar ayuu joogaa; $5-kun doolar ayaa lagu canshuuraa. Sax ma tahay? Waxaas waaye waxa aan diidnay. Laakiin ma isla yeelaayo, hadaad adigu garan-weyday, waa lagu garad-siinaa," ayuu yiri.

Sidda laga soo xigtey Xasan Sheekh, ganacstada dalka keenta baabuurta bulletproof-ka ayaa midkiiba waxa uu ka helaa macaash lacageed oo u dhaxeeya 50-kun oo doolar illaa 60-kun oo doolarka Mareykanka.

"Macquul ma tahay in telefoonka Iphone-ka oo jooga kun doolar ka badan iyo niiclaha isku mid la canshuuro," ayuu tibaaxay. "Waa tusaalooyin yar intaas, waxyaabo kale oo kasii badan ayaa jira".

Hadalka madaxwayne Xasan Sheekh ayaa kusoo aadaya xilli todobaadyo kahor uu gadood ka dhashay canshuur kordhin ay soo saartey wasaaradda maaliyadda wallow markiiba dambe wax laga badalay lagana dhigay 50%.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM

Dowladda Federaalka oo Shaacisay inuu Idlaaday Muddo-xileedka Hoggaanka Koonfur Galbeed

Ilaa hadda, madaxtooyada Koonfur Galbeed kama soo bixin jawaab rasmi ah oo ku saabsan shaacinta firaaqda xafiiska.

  • Soomaliya

    22-03-2026

  • 09:36PM