Xasan Sheekh: Lagama ganacsan karo agabka laamaha ammaanka

Image
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa uu digniin u diray mas'uuliyiinta dowladda federaalka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa kala wareegi doonta ganacsadihii dalka keena agabka hay'adaha amniga, sidda uu ku dhawaaqay madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xasan Sheekh oo Jimcaha maanta ah ka hadlay masjidka ku dhex-yaalla Madaxtooyadda Qaranka ee Muqdisho ayaa si gaar ah carabka ugu adkeeyay dareeska iyo gaadiidka ciidamadda.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, madaxweynaha ayaa ku nuux-nuux-sadey "in aysan dood badan ka taagneyn" in aan ganacsi ahaan dalka loo keeni kara aaladaha laga sameeyo waxyaabaha qarxa.

"Konteenar tuute ah ayaa ii yaalo isoo daay waa dhamaatay iska ogow. Waa lala wareegaa, dowladda ayaa qaadanee, ogow. Baabuur Cabdile ah keeni ma kartid. Dareeska tuutaha keeni ma kartid. Waxa kale qarxa iskaba dhaaf iyaga awalba dood kama taagneyn kuwaas," ayuu yiri.

Ma cadda haddii ay jiraan ganacsato haatan ku lug leh mashruucan oo kiiskooda ay gacanta ku hayso dowladda federaalka iyo in hadalka madaxweynaha yahay natiijo ka tahay xog mukhaabaraad.

Dhinaca kale, Xasan Sheekh ayaa digniin adag waxa uu hawada u mariyey mas'uuliyiinta ka tirsan dowladda federaalka - Wasiiro illaa Xildhibaano - in ay ka dhaga-adeegaan amarada askarta taagan kontaroolada.

"Ninka mas'uulka ah ee inta [kontarool] soo istaago yaa ku jira baabuurkan fur la yiraahdo ee diida; isaga ka mas'uul ah [wixii dhaco]. Waa lala dagaalamaa ha ogaado. Amar cad ayaa la siiyey askarta," ayuu xusay.

Qaar kamid ah weeraradii ugu dambeeyay ee dagaalameyaasha Al-Shabaab ay ku beegsadeen xarumaha dowladda ayaa lagu waramay in ay isku-soo-ekeysiiyeen ciidamadda dowladda kana gubeen baraha hubinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo ka digay cawaaqibka ka dhalan kara tallaabo militari oo lagu qaado mucaaradka

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale diiddan in doorashooyinka dalka loo wajaho hannaan aysan dhammaan dhinacyada siyaasadeed isku raacsanayn.

  • Soomaliya

    11-10-2026

  • 08:32PM

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM