Xasan Sheekh Maxamuud oo dhambaal hambalyo ah u diray Al-Siisi

Image
Al-Siisi ayaa mar kale ku guuleystay doorashada madaxtinimo kadib markii uu helay 39 milyan iyo 702 kun oo cod.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhambaal hambalyo ah wuxuu u diray dhigiisa Masar, CabdelFataax Al-Siisi, sidda ku cad qoraal ay faafisay Villa Soomaaliya.

Al-Siisi ayaa ku guuleystay doorashada madaxtinimo ka dib markii uu helay 39 milyan iyo 702 kun oo cod, sidda uu ku dhawaaqay guddiga doorashooyinka waddankaas.

"Madaxweynaha wuxuu hoosta ka xariiqay ahmiyadda ay leedahay xiriirka qotoda dheer ee ka dhaxeeyay labada waddan ee walaalaha ah," ayaa la raaciyey war-saxaafadeedka.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho-tacsiyeed ku tagay dalka Kuweyt ayaa la wadaagay Amiirka dalkaas, Sheekh Mishcal Al-Axmed Al-Sabaax dhambaalka tacsida shacabka iyo dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan geerida ku timid, Alle ha u naxariistee, Amiirkii Kuweyt Sheekh Nawaf Al-Axmad Al-Sabaax.

Madaxweynaha oo ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha Carbeed ee ka qeyb-galay tacsida Amiirka ayaa "wuxuu murugada la qeybsaday Ra’iisul Wasaaraha iyo Golaha Amiirrada oo uu la kulmay".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM