Xasan Sheekh Maxamuud oo shaaciyey xalka colaadda Laascaanood

Image
Hadalka madaxweynaha oo wareysi siiyey telefishinka Al-Jazeera ayaa kusoo aadaya iyadoo ay sii xoogaysanayso xiisadda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si dhow uga shaqaynaysa sidii ay nabad ugu soo celin lahayd maamulka Somaliland, sidda uu sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Hadalka Xasan Sheekh oo wareysi siiyey telefishinka Al-Jazeera ayaa kusoo aadaya iyadoo ay sii xoogaysanayso xiisadda u dhaxaysa maamulka Hargeysa iyo dadka degaanka Laascaanood.

"Waxaan rumaysanahay in midnimadu ay tahay wadada xalka kaliya...laakin kuma doonayno midnimadan rabshado, taas oo uga sii daraysa," ayuu Xasan Sheekh Maxamuud u sheegay Tv-ga Qadar.

Rabshadaha xarunta gobolka Sool ayaa sii karaar-qaatay kadib markii odayaasha dhaqanka ay ku dhawaaqeen in ay hoostagayaan xukuumadda Muqdisho ayna dhulkooda ka baxaan ciidamada Somaliland.

Sida ay sheegeen bahda caafimaadka, colaadan ayaa galaaftey in ka badan 200 ruux waxaana ku dhaawacmey in ka badan 1,000. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dagaalkan ay ku barakaceen in badan 185,000 qof.

"Waxaan u ololeyneynay labadii toddobaad ee ugu dambeeyay sidii aan marka hore u joojin lahayn rabshadaha, ka dibna aan u furi lahayn waddo wadahadal ah," ayuu Xasan sheekh sii raaciyey.

Somaliland iyo odayaasha dhaqanka Laascaanood ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin wadahadal. Hase ahaatee, illaa haatan ma jirto meel ay si rasmi ah isugu yimaadeen wallow ay la yimaadeen shuruudo kala duwan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo Saraakiil Ciidan kula shiray Baydhabo

Shirka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga iyo isku-duwidda hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo nabadgelyo waarta.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:55AM

Dowladda oo billowday bixinta kaararka codbixinta doorashada xili uu jira khilaaf

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ku adkaystay in doorashadu ay dhici doonto waqtigeeda.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:04AM