Xasan Sheekh oo amar dul-dhigay saraakiisha ciidamadda

Image
Hadalkan ayuu sheegay kadib markii uu booqdey degmadda Aadan-yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Axada maanta ah waxa uu gaaray degmadda Aadan-yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxtooyadda Soomaaliya oo qoraal ka faafisay socdaalkan ayaa ku tilmaamtey "in madaxweynaha uu u kuur galayo xaalada deeganadii laga xoreeyay Khawaarijta".

Xasan Sheekh oo uu wehlinayo Madaxweynaha dowlad goboleedka Hir-shabeelle mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa kulan la qaatay qaybaha bulshada degmada Aadan Yabaal.

Dadweynaha ayay "ka dhageysteen warbixin ku saabsan xaaladaha nololeed ee deegaanka, iyaga oo uu xusay in degmada aysan ka jirin adeegyada aasaasiga ah sida biyaha, caafimaadka, waxbarashada iyo korontada".

Bulshada degmada Aadan-yabaal ayuu uga mahadceliyay garab istaagga ay u muujiyeen ciidamada Qaranka isaga oo sheegay in degmada iyo deegaanada kale ee laga xoreeyay Khawaarijta Al-shabaab".

Si degdeg ah ayuu xusay in loo gaarsiinayo adeegyada aasaasiga ah isaga oo sidoo kale ka dalbaday bulshada deegaanka in ay ka hortagaan in deegaanka lagu dhibaateeyo dadka socotada ah.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa, sidda ku xusan qoraalka, waxa uu kulan gaar ah la qaatay Saraakiisha hoggaamisa ciidamada Xoogga dalka.

"Guulaha ay kasoo hooyeen dagaalka Khawaarijta" ayuu ku bogaadiyey, isaga oo "faray in ay u diyaar garoobaan wejiga labaad ee dagaalka dalka looga xoreynayo Al-Shabaab".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo ka digay cawaaqibka ka dhalan kara tallaabo militari oo lagu qaado mucaaradka

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale diiddan in doorashooyinka dalka loo wajaho hannaan aysan dhammaan dhinacyada siyaasadeed isku raacsanayn.

  • Soomaliya

    11-10-2026

  • 08:32PM

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM