Xasan Sheekh oo balanqaad u sameeyay madaxdii uu kula shiray Muqdisho

Image
Hadalkan ayuu ka sheegay casho sharaf uu siyaasiyiintan ugu sameeyay Villa Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa casho sharaf ku maamuusay Madaxda iyo masuuliyiinta hore ee ka qeyb-galay kulankii wadatashiga ahaa ee shalay ku soo gaba-gaboobay Muqdisho.

Madaxweynaha oo goobta ka hadlay ayaa uga Mahadceliyey masuuliyiintan ka qeyb-galka Kulanka Wadatashiga iyo talooyinkii ay ku kabeen dowlad-dhiska Soomaaliya.

Sidda ay sheegtey Villa Soomaaliya, Xasan Sheekh waxa uu muujiyey sida uu mudnaanta u siinayo dhageysiga talooyinka iyo aragtiyaha qeybaha kala duwan ee shacabka iyo hoggaanka Soomaaliyeed.

Dhankooda, Madaxdii hore ayaa bogaadiyay kulanka wadatashiga ee uu fidiyay madaxweynaha waxaana ay sheegeen in dowlada Soomaaliyeed ay ku garab siinayaan halganka ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku jiraan ee argagixisada Alshabaab lagu cirib tirayo.

Casho sharaftan waxaa Madaxweynaha ku wehliyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare K/xigeenka XFS Saalax Axmed Jaamac, Gudoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur iyo Kuxigeenadiisa Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji, Cabdullaahi Cumar Abshirow, Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Kuxigeenadiisa, Cali Shacbaan Ibraahim iyo Cabdullaahi cali Xersi

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Ammaanay Guusha Puntland ka gaartay Dagaalka Daacish

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ciidamada ammaanka Puntland ay wadaan hawlgallo xooggan oo ka dhan ah kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 04:13PM

Soomaaliya oo Safiir Cusub u Magacowday Suuriya oo tan iyo 2011 dagaal ku jirtay

Danjirihii hore ee ku-meel gaarka ahaa, Daahir Maxamuud Muuse, ayaa horey u aas-aasay wadashaqeynta dib u furashada xiriirka.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 03:55PM