Xasan Sheekh oo lagu soo dhaweeyay magaalada Kismaayo

Image
Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa fahfaahin dheeraad ah waxay ka bixisay ujeedada socdaalka madaxweynaha.

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxa uu soo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel-gaarka ah ee dowlad goboleedka Jubaland.

Madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam iyo boqolaal ka mid ah shacabaka magaalada Kismaayo, ayaa soo dhaweeyay wafdiga Xasan Sheekh.

Madaxtooyadda Soomaaliya oo qoraal kooban kasoo saartey socdaalka Xasan Sheekh ayaa sheegtey in ujeedadu tahay "dardar gelinta wajiga labaad ee xoreynta dalka".

"Madaxweynaha ayaa u kuur-galaya xaaladda deegaannada Jubbaland, isagoo mudnaan siinaya dardar gelinta wajiga labaad ee xoreynta dalka oo qorshuhu yahay in argagixisada Alshabaab laga saaro deegaannada ay ku dhibaateynayaan shacabka Soomaaliyeed ee Jubbooyinka, Shabeellada Hoose, Bay iyo Bakool," ayay tiri Villa Soomaaliya.

Qoraalka ayaa intaas waxaa la raaciyey: "Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa inta uu ku sugan yahay Kismaayo waxa uu ka shaqeynayaa xaqiijinta Jubbaland heshiis ah, fidinta gogol mideysa dadka deegaanka iyo dhagaysiga talooyinkooda ku aaddan dowlad dhiska Soomaaliya iyo horumarka dalka".

GAROWE ONLINE

Related Articles

OIC oo si adag u diiday aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, taageerayna midnimada Soomaaliya

Sacuudi Carabiya, Masar iyo Pakistan ayaa ku tilmaamay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland mid sharci-darro ah oo halis ku ah amniga gobolka.

  • Soomaliya

    11-01-2026

  • 09:42AM

Fiqi oo ka digay qorshaha Israel ee dalka Soomaaliya 

Hadalka wasiirka ayaa daba socda xiisad ka dhalatay go’aankii Israa’iil ay 26-kii Diseembar ku aqoonsatay madax-bannaanida Somaliland.

  • Soomaliya

    11-01-2026

  • 09:14AM