Xasan Sheekh oo shuruud cusub ku xiray wadahadalka Al-Shabaab

Image
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kalsooni ka muujiyey "in uu ka adkaan doono Al-Shabaab militiri ahaan".

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxa uu kalsooni badan ka muujiyay in uu duullaan milateri kaga adkaan doono maleyshiyaadka Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida.

"Laba arrimood ayaa jira si Al-Shabaab looga adkaado: Mid waa milateri ahaan, mid kalena waa fikir," ayuu u sheegay Financial Times oo wareysi gaar ah ku siiyay xarunta madaxtooyada ee Muqdisho.

Wuxuu intaas ku daray: "Dagaalka fikradeed wuxuu sii socon doonaa in muddo ah, laakiin, midka militariga, waxaan aaminsanahay in aan kaga adkaan doono".

Taageerada dibadda

Gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab oo ay taageerayaan Mareykanka, Turkiga, Midowga Afrika iyo dalal kale, ayaa yimid iyadoo Soomaaliya oo ah dal ay ku nool yihiin 17 milyan oo qof ay ka jirto abaartii ugu darneyd muddo tobanaan sano ah.

Tani waxay sii hurisay xaalad degdeg ah oo bini'aadantinimo iyo dhibaato cunto yar haysata in ka badan saddex meelood meel dadka, iyadoo malaayiin ay qarka u saaran yihiin macaluul.

Wajiga labaad ee howlgaladda, xukuumadda Muqdisho waxay taageero millatari ka dalbatay Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya oo ah saddex waddan oo ay sidoo kale la kulmaya weerarrada Al-Shabaab.

Shuruuda wadahadal

"Waxaan heli doonaa ciidamo iyo karti dheeraad ah marka loo eego wejigii hore," ayuu raaciyey Xasan Sheekh Maxamuud. Qeyb ahaan ciidamada dalalkan ayaa soo gaarey gobolada Soomaaliya.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in hadafiisa ugu dambeysa uu yahay in Al-Shabaab uu isugu geeyo "meel gees oo ciriir ah iyo mar-xalad ay nabad kaga hadlaan".

"Al-Shabaab waxay weli dareemayaan inay sii noolaan karto, waxaana sidoo kale rumeysannahay in fursadda wadahadallada aysan weli qaan-gaarin. Laakiin dhamaadka, waxay ku dambayn doontaa wadahadal," ayuu kusoo xiray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo ka digay cawaaqibka ka dhalan kara tallaabo militari oo lagu qaado mucaaradka

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale diiddan in doorashooyinka dalka loo wajaho hannaan aysan dhammaan dhinacyada siyaasadeed isku raacsanayn.

  • Soomaliya

    11-10-2026

  • 08:32PM

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM