Xasan Sheekh oo warbixin la wadaagay ergayga cusub ee UN-ka

Image
Madaxweynaha Soomaaliya iyo Catriona Laing ayaa wadahadalo ku yeeshay xarunta Madaxtooyadda ee Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay uu u soo magacaabay dalkeenna Marwo Catriona Laing.

Xasan Sheekh iyo Danjire Catriona Laing ayaa, sidda uu sheegay xafiiskiisa, waxa ay "ka wadahadleen dardargelinta howlaha muhiimka ah ee Xafiiska Qaramada Midoobay uu ka taageero dowladda Soomaaliya".

"Madaxweynaha ayaa la wadaagay dadaallada dowladdu ku bixinayso dhinacyada la dagaallanka argagixisada, kobcinta dhaqaalaha, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay si wax looga qabto caqabadaha bini'aadannimo ee ka jira goobaha laga saaray argagixisada," ayay tiri Villa Soomaaliya.

Dhankeeda, Ambasadoor Catriona Laing ayaa Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadcelisay soo dhaweynta diirran ay kala kulantay, sidda laga soo xigtey war-saxaafadeedka.

Catriona ayaa "bogaadisay guulaha laga gaaray dagaalka qawaarijta looga xoreynayo dalkeenna, waxa ayna tilmaantay in howlgalkeeda cusub uu xoogga saari-doono adkeynta wada-shaqeynta, sare u qaadidda taaageerada amniga, siyaasadda iyo gargaarka bini'aadannimo".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe oo dil ka badbaadey

Hirshabeelle, oo ka mid ah bartamaha Soomaaliya, ayaa noqday goob muhiim ah oo hawlgallo militari laga fuliyo si looga hortago Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-01-2026

  • 08:07AM

India oo Beenisay Wararka Ku Saabsan Wadahadalka iyo Aqoonsiga Somaliland

Cadeyntan ayaa ku soo beegmaysa xilli dood caalami ah oo xasaasi ah laga wado xaaladda Somaliland.

  • Soomaliya

    03-01-2026

  • 07:30AM