Xasan Sheekh oo xil ergay ah u magacaabay Maxamed Cabdi Waare

Image
Waare ayaa wuxuu noqdey u soo noqdey hogaamiyaha maamul goboleedka HirShabelle.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u magacaabay Maxamed Cabdi Waare ergayga gaarka ah ee u qaabilsan Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka ee goobaha dagaallada.

"Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kula dardaarmay Ergayga gaarka ah ee Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka Mudane Maxamed Cabdi Waare in uu xaqiijiyo gudashada waajibaadkiisa Qaran si looga fogaado in dhibaato ay soo gaarto dadka Soomaaliyeed xilliyada dagaallada," ayaa lagu yiri wareegto ay faafisay Villa Soomaaliya.

HOOS KA AKHRISO WAREEGTADA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u magacaabay Mudane Maxamed Cabdi Waare ergayga gaarka ah ee u qaabilsan Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka ee goobaha dagaallada.

Madaxweynaha oo mudnaanta koowaad siinaya qorshihiisa xakameynta qasaaraha rayidka si aysan waxyeello uga soo gaarin dadka shacabka ah ee ku sugan goobaha ay ka socdaan howlgallada dalka looga sifeynayo argagixisada Al shabaab ayaa qeybaha kala duwan ee talisyada ciidamada Qalabka Sida ku adkeeyey in ay si dhow ula shaqeeyaan ergayga gaarka ah ee Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kula dardaarmay Ergayga gaarka ah ee Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka Mudane Maxamed Cabdi Waare in uu xaqiijiyo gudashada waajibaadkiisa Qaran si looga fogaado in dhibaato ay soo gaarto dadka Soomaaliyeed xilliyada dagaallada, isagoo ku booriyey in uu ka shaqeeyo sidii ay deegaannada laga xoreeyey Argagixisada u heli lahaayeen maamul, xasillooni iyo adeegyo bulsho oo dhammeystirin.


Waare ayaa horey u soo noqdey hogaamiyaha maamul goboleedka HirShabelle intii u dhaxeysay 16 September 2017 illaa 2 November 2020. Magacaabidiisa ayaa imaanaysa xilli loo diyaar-garoobayo guluf ka dhan ah Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM

Dowladda Federaalka oo Shaacisay inuu Idlaaday Muddo-xileedka Hoggaanka Koonfur Galbeed

Ilaa hadda, madaxtooyada Koonfur Galbeed kama soo bixin jawaab rasmi ah oo ku saabsan shaacinta firaaqda xafiiska.

  • Soomaliya

    22-03-2026

  • 09:36PM