Xasan Sheekh: Waxaan shaqaaleysiin doonaa 10,000 macallimiin

Image
Hadalkan ayuu ka sheegay daahfurka shirweynaha Qaran ee waxbarashada kaasoo shanta maalmood ee soo aadan socon doona.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Isniinta maanta ah waxa uu magaaladda Muqdisho ka furay shirweynaha Qaran ee waxbarashada dalka kaasoo shanta maalmood ee soo aadan ka socon doona magaala madaxda ayna agaasintey wasaaradda tacliinta.

Hadal-jeedintiisa shirka ayuu ku tilmaamay in dowladda federaalka ay ka go’an tahay dib u soo nooleynta, mideynta iyo tayeynta nidaamka waxbarasho ee dalka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu is-dul-istaagay qorshaha dowladda ee baahinta adeeg waxbarasho oo tayo leh iyo xaqiijinta Manhaj mid ah oo Qaran oo wax lagu baro ubadka soomaaliyeed.

Toban kun oo Macallimiin Soomaaliyeed ah ayuu ku dhawaaqay in la shaqaaleysiinayo "si kor loogu qaado fursadaha waxbarasho ee ay heli karaan muwaadiniinta Soomaaliyeed".

“Qorshaheennu waa in aan kordhinno tirada ardayda xaadirta iskuulada oo ay ku jiraan kuwa ku dhaqan miyiga iyo bulshooyinka nugul," ayuu ku yiri qeyb kamid ah khudbadiisa.

Waxa uu raaciyey: "Sidoo kale, waa in aan dhaqan-galinno manhaj mid ah oo Qaran iyo in aan hubino barid tayo sare leh oo ay hormuud u yihiin xirfadlayaal iyo Macallimiin lagu xulay tartan daahfuran inaga oo shaqaaleysiin doona ugu yaraan 10,000 oo macallimiin ah".

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in fursadaha waxbarasho ee xilligaan ay helaan dhallinyarada Soomaaliyeed ay aad u hooseeyaan taasi oo caqabad ku ah dhisidda mustaqbal wanaagsan iyo xaqiijinta yoolasha horumarineed ee dalka.

Aqoonyahanka, qurbe joogta iyo kaadiriinta waxbarashada dalka ayuu ka codsadey in ay gacan ka gaystaan hirgalinta natiijooyin waxbarasho oo u dan ah jiilka soo koraaya si loo xaqiijiyo degenaasho siyaasadeed, horumar dhaqan-dhaqaale iyo barwaaqo baahsan oo ka hanaqaadda dalkeenna.

GAROWE ONLINE

Related Articles

OIC oo si adag u diiday aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, taageerayna midnimada Soomaaliya

Sacuudi Carabiya, Masar iyo Pakistan ayaa ku tilmaamay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland mid sharci-darro ah oo halis ku ah amniga gobolka.

  • Soomaliya

    11-01-2026

  • 09:42AM

Fiqi oo ka digay qorshaha Israel ee dalka Soomaaliya 

Hadalka wasiirka ayaa daba socda xiisad ka dhalatay go’aankii Israa’iil ay 26-kii Diseembar ku aqoonsatay madax-bannaanida Somaliland.

  • Soomaliya

    11-01-2026

  • 09:14AM