Xayiraada Al-Shabaab ee Baydhabo oo curyaamisay howlgal ciidan

Image
Koonfur Galbeed ayaa had iyo jeer ah gobolka ugu nugul Soomaaliya marka amni darrada iyo abaaraha.

BAYDHABO, Koonfur Galbeed - Al-Shabaab ayaa ku dhowaad labo todobaad go’doomiyay magaalada Baydhabo, iyagoo jaray gaadiidkii isaga kala gooshayay xarunta ku meelgaarka ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa cambaareeyay talaabadda xoogaga gacansaarka la leh shabakadda argagixisadda caalamiga ah ee Al-Qaacida.

Maamulka ayaa sheegay in kooxda xagjirka ah ay gooyeen sahaydii soo geli jirtay iyo kuwii ka bixi jiray deegaanka, taasoo ka sii dartay gaajada ka dhalatay abaaro iyo amni darro soo noqnoqotay.

Xayiraaddan oo kusoo beegmaysa xilli ay ciidamada dowladdu qorsheynayaan inay weerarro ku qaadaan gobolka ayaa saameyn ku yeeshay ganacsiga, waxaana sare u kac ku yimid qiimaha lagu kala iibsado gaadiidka, iyadoo gaadiidkii ka soo daabuli jiray magaalooyinka Muqdisho ay ku xayiran yihiin.

Xuseen Maxamuud, agaasimaha guud ee Madaxtooyada Soomaaliya, ayaa sheegay in go’doominta ay muujineyso in Al-Shabaab ay dagaal kula jiraan shacabka Soomaaliyeed.

Sidda ay sheegtay Qaramada Midoobay, Baydhabo waxaa ku nool ilaa 600,000 oo barakacayaal ah oo ay guryahooda kasoo qaxiyeen dagaallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo abaaraha

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay waddo qorshe ay ku billaabayso howlgalka Libaax-madow, kaas oo diiradda lagu saari doono maamullada Koonfur Galbeed iyo Jubaland ee ku yaalla Koonfurta dalka.

Ciidamada dowladda oo gacan ka helaya maleeshiyaad deegaanka ah ayaa wejigii hore ee weerarka dib ugala wareegay Al-Shabaab qeyb ka mid ah gobollada dhexe ee dalka.

Koonfur Galbeed ayaa had iyo jeer ah gobolka ugu nugul Soomaaliya marka loo eego xaaladaha ku wareegsan ee dhanka amni darrada iyo abaaraha.

Bishii Abriil, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa booqday Baydhabo si uu u bilaabo olole bini'aadantinimo, isagoo ka codsaday "gargaar caalami ah oo ballaaran" si looga hortago macluul timaada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM