Xeebaha Soomaaliya oo dib ugu soo cusboonaaday Burcad-badeedka

Image

WASHINGTON (GO) - Wasaaradda Difaaca Maraykanka ayaa maanta sheegtay in burcad badeed Soomaali ah ay ka danbeeyeen isku daygii lagu doonayay in lagu afduubo markab ganacsi oo shalay marayay gacanka Cadan, iyada oo caddeysay in Xuutiyiinta aysan gacan ku lahayn.

Afhayeenka Pentagon-ka General Patrick Ryder ayaa yiri:

"Waan sii wadeynaa baarista, laakiin calaamadaha hordhaca ah waxay muujinayaan in shanta qof oo isku dayga ka dambeeyay ay yihiin Soomaali."

Markab dagaal oo ay leeyihiin ciidamada badda Mareykanka ayaa badbaadiyay markab ganacsi oo lagu magacaabo “Central Park”, kaasoo gacanta ku dhigeen rag hubeysan.

Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in ragga weerarka geystay ay ku xiranyihiiin markabka dagaalka Mason uu Mareykanku leeyhay.

Waxaa sidoo kale dhawaan xeebaha Puntland laga afduubay markab lagu magacaabo Al-Micraaj, iyada oo dadka falkaas geystay ay codsadeen 400,000 oo Dollar si loo sii daayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo u safraya Saudi Arabia xilli ay isbeddelayaan xulafada Soomaaliya

Sidoo kale, booqashadan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo dowladda Soomaaliya ay si cad u taageertay mowqifka Sacuudi Carabiya.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 09:23AM

Xasan Sheekh: Ma doonayno in Israa’iil noo timaaddo oo dhibaatooyin noo keento

Wuxuu tallaabada Israa’iil ku tilmaamay mid “aad u murugo leh,” isaga oo ku baaqay in la ixtiraamo sharciga caalamiga ah.

  • Soomaliya

    31-12-2025

  • 08:48PM