Xildhibaan Saado Cali Warsame oo Muqdisho lagu dilay

Image

War deg deg ah oo naga soo gaaraya magalada Muqdisho ayaa sheegaya in goor dhawayd koox hubaysani ay ku dishay degmada Hodan gaar ahaan xaafada Taleex Xildhibaan Saado Cali Warsame oo ka mid ah Xildhibaanadda baarlamaanka kasoo gala Puntland.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerarka Xildhibaan Saado lagu soo qaaday iyadoona goobjooge la hadlay Radio Garowe uu sheegayo inay dhimatay.

Gaadiidka gurmadka deg deg ah ayaa isla markiiba goobta yimi iyo ciidan aad u faro badan waxana loola cararay isbitaalka magalada Muqdisho.

Dadwayne aad u faro badan ayaa goobta u falkan ka dhacay isi soo buuxiyay kuwaasoo ka naxay Saado Cali Warsame weerarka lagu soo qaaday.

Saado Cali ayaa ka mid ahayd fanaaniinta qaranka Soomaaliyeed ee Kooxda Waabari waxayna fanka soo gashay 1973.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaaradaha F-16 ee Turkiga oo duqeyn ka fuliyay Shabeellaha Dhexe

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa howlgallo milatari ka wada deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

  • Soomaliya

    31-08-2026

  • 08:10AM

Dagaal culus oo maalintii lixaad ka socda deegaanka Basra oo ku dhaw Muqdisho

Dadka deegaanka ayaa sheegay inay maqlayeen rasaas xooggan iyo qaraxyo isdaba joog ah oo ka dhacaya goobaha lagu dagaallamayo.

  • Soomaliya

    30-08-2026

  • 12:22PM