Xukuumada oo Beesha Caalamka la wadaagtey qorshe ay waddo

Image
Ra'iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa fariintan ka sheegay shirka xasilinta iyo soo kabashada deegaannadii laga saarey Al-Shabaab.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa waxaa furay kulan heerkiisu sarreeyo oo looga hadlayo xasilinta iyo soo kabashada deegaannadii laga xoreeyey kooxaha Al-Shabaab.

Shirkan ayaa "inta uu socdo lagu lafa-gurayaa dardar-gelinta dadaallada ku saabsan xasillinta iyo dib-u-xoreynta goobaha ay wali ku dhuumaaleysanayaan Al-Shabaab".

Kulankan ayaa sidoo kale waxaa lagu lafa-gurayaa sidii loo midayn lahaa taageerada kala duwan ee dowladda iyo hay'adaha caalamiga ah ay gaarsiinayaan deegaannadii la xoreeyey.

Saalax Axmed Jaamac oo kulanka ka hadlay ayaa tilmaamay muhiimadda uu Barnaamijkani u leeyahay Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan soo kabashada goobahii laga saaray Al-Shabaab ee u baahan in la gaarsiiyo adeegyadii guud ee dowliga ahaa.

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in xoreynta iyo xasillinta dalku ay yihiin arrimaha horutabinta u leh Xukuumadda Dan-Qaran, isagoo la wadaagay saaxiibbada Caalamiga ah aragtida dowladda ee lagu gaari karo hiigsigaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM