Xukuumada oo shaacisay qorshaheeda tayeynta caafimaadka

Image
Shirka ayaa soconaya muddo labo maalin ah ayaa lagu lagu falanqeyn doonaa sidii loo heli lahaa shaqaale caafimaadka oo tayo leh.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa furay Shirweynaha Qaran ee Shaqaalaha Caafimaadka Soomaaliya oo looga hadlaayo horumarinta xirfadleyaasha Caafimaadka dalka.

Jaamac ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ka go'an tahay kor u qaadidda tayada xirfadleyaasha caafimaadka dalka iyo sidii loo heli lahaa dhaqaatiir buuxisa baahida caafimaad ee dalkeenna ka jirta.

Shirka oo soconaya muddo labo maalin ah ayaa lagu lagu falanqeyn doonaa sidii loo heli lahaa shaqaale caafimaadka oo adkaysi iyo tayo leh, kuwaas oo muhiim u ah dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Elon Musk oo ku baaqey in la Xiro Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Abuukar Baalle

Abukar Dahir Osman ayaa la wareegay madaxtinimada wareegta ah ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 1-da Janaayo 2026.

  • Soomaliya

    02-01-2026

  • 06:54PM

Hogaamiye Al-Shabaab oo Mareykanka $5 million dul-dhigay madaxiisa oo lagu dilay Jilib 

Dowladda Federaalka ayaa mar kale adkaysay go’aankeeda ah inay sii waddo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    02-01-2026

  • 07:41AM