Dhambaal Ku Socda Waxgaradka Beesha Tanade

Image

QORE: Wasiir ku xigeenkii hore ee Wasarada Xanaanada Xoolaha Puntland

Hadaan fiirshay Bayaankan Waxaa cadaatay hadal-hayntii ahayd inaysan Beesha Tanade u dhamayn shirkii baaqaan ka soo baxay.

Sababto ah Siyaasiyiin badan iyo weliba xubno  hada ku jira Baarlamaanka Somaliya uuna hormuud u yahay Ex Cali Cabdi giir, Ex Wasiir Xaashi iyo Ex Wasiir Geessod  soo qeybgalin hadana bulshada reer Puntland waxay ka warsugaysay halka wax ku dhamanayaan maadaama ay tahay arin Dastuuri ah.

Waxaana la aaminsanaa in Beesha lagu qancin karo wax Dastuurku qabo iyadoo fadhi wanaagsan iyo soo dhoweyn fiican loo samaynayo, waana mida dhacday ee weliba Issimadii soo jireenka ahaa qoraal iyo hadalba ku muujiyeen in tixgelin la siiyo cabashada beesha.

Beesha Tannade waa beel dhaqan iyo Siyaasadba miisan ku leh Puntland tabashadooduna khasab tahay in la xaliyo sida Madaxweyne Gaas iyo Isimaduba sheegeen, waa beel leh Siyaasiyiin magac weyn ku leh Puntland wax tirsi kasta oo jira wada hadal ku dhamayn kara.

Waxaa hubaal ah in Beesha Tanade iyo Beesha Majeerteen taariikh waangsan, soo jireena ah leeyihii haday tahay Ood wanaag, haday tahay Xididnimo iyo haday tahay wax isku darsi mid Siyaasadeed iyo mid Ganacsi, Caasimada Goldogob waxaa hoos yimaada Tuulooyin badan oo Majeerteen Degaan u leeyahay, waa dad tuulo, magaalo iyo geed hoostiisba isku arka waxna ku qeybsada. 

Bayaankaan waxaa cad inay qoreen shaqsiyaad fikirkooda ku soo koobay inay kuraas ku helaan soo kicinta ay soo kicyeen Oday dhaqamedyda Bayaanka ku saxiixan, uuna hormuud u yahay Xildhibaan Sakariye waxaana aaminsanahay in damacoodu ahaa Oraahdii ahayd “ Cad yahow ama ku cunay ama ku ciidyeeyay” waaxana fiicnayd inaysan ka aamusin Siyaasiyiinta iyo Caaqiladda Beesha ee aan arinkaan wax ka ogayn ayna tahay inay wax ka dhahaan.

Markaan dib u fiirino Bayaanka iyo eedaynta ku qoran ee ah sidan waxaan isku dayayaa inaan mid kasta jawaab kooban raaciyo:

1.  In Majeerteen diidan yahay Xalinta cabashada beesha ayna hortaagan yihiin Go’aankii Issimada, Jawaab shirka waxaa shir-Gudoon ka ahaa Suldaan Siciid Maxamed Garaase, iyadoo uu goob joog Garaad Shirwac  waxaana qoraalo taagera ah in Beesha cabashadeeda la xaliyo soo diray Boqor Burhaan iyo Islaan Bashiir.

Waxaana shirka furay Madaxweyne Gaas oo sheegay in Beeshu miisaan weyn u tahay Puntland dhinaca Difaaca iyo dhinaca Degaanka, Beel ahan waxaad shirk aka sheegteen in Gogoashaan uu idiin dhigay Madaxweyne Gaas iyadoo weliba kaligiin laydin dhigay, iyadoo ay jiraan Beelo badan oo waxtirsanaya.

Hadaba weli kama dhicin shirar kale oo wax tabasho ah oo teegro intaas le’eg loo muujiyo waxaadna ugu jawaabteen Siyaasiyiinta Majeerteen uu Gaas ugu horeeyo inay Khaa’imiin yihiin.   2. In Majeerteen ay afduubeen Dastuurkii Puntland iyo dhamaan nidaamkii Dawliga ahaa. Haddii Dastuurku ninkaas aad ka qeyliseen u afduuban yahay maalin gudaheed Madaxweyne Gaas idinkoo goob joog ah Dowladiisa lama kala direen, waana markii ugu horaysay ee ay dhcdo dibad iyo gudaba waa lagu amaanay Golaha Shacabka.

3. In Majeerteen uu ka socon la yahay nidaamkii Dimoqraadiga ah ee qof iyo hal cod.  Hadii iinan u jeedin Majeerteen nin ka soo jeeda ayaa madaxweyne ah isku daygii u danbeeyay ee Farole isku dayo qof iyo hal cod dhimashaa ku timid sanduuqdii u socotay Degamadda Goldogobna waad ogaydeen in Bursalax lagu biliqaystay.

Sideedana Dimqoraadiyad ayaan rabaa iyo Beel ayaa ahy isma galaan markaad Dimoqraadiyad wax ku raadinaysid waa inaad ka madaxbanaan tahay Beel lama helayo wax beel dhaafsiisan ilayn qofkasta waa kula mid oo beeshiisa ayuu wax ku raadsanayaa waa inaynu barnaamij iyo hanaan lagugu taageero aad la timaadaa adoo aan ahayn bee lee ah shaqsi bulshada u adeega ah.

4. Iyo In Majeerteen Dastuurka furtaan markay iyagu rabaan laakiin marka kale cid kale rabto ay hor istaagaan. Taasi waa been horaa in badan loogu hadlay wax daliil ah oo loo hayana ma jiraan Madaxweyne Gaas, Camay iyo Wasiir Cabdirashiid fasiraadoodii ayaana inta badan arinkaan keenay waana tan manta keentay Bayaankaan oo runtii aan u arko inuusan farax gelinayn iyo weliba Beelaha tirade badan ee doonaya in iayag laftigooda cabashooyinkooda la dhagaysto.

Gunaanad waa wax fiican in Beeluhu arimahooda ka tashadaan laakiin wixii kaa soo baxaya yuusan ahaan wax Ehelka kala kaxeeya.  Majeerteen waa Qabiilo balaaran inaad ku shegtaan inay dad xun yihiin umada xaqeedana duudsiyaan wax fiican maaha hadana aad amaantaan Hogaamiye Dhaqamadooda xagee u kala wadaan “ Dudumo in ladugaalsado iyo in la dareensado iskuma hesho”.   Isimadda Reerkana dadaal ah inaad wax heshaan waxay ka mareen Ilaah ayaa og hadana inaad bayaankaan soo saartaan kuna tiraahdaan Isimadu wey fiican yihiin laakiin siyaasiyiin matala ayaa xun wax laydinka fadhiyay maaha.

Wasirada iyo Xildhibaanada Beelaha Warsangeli, Dhulbahante iyo Dishiishe oo aad leedihiin waa nala shaqeeyeen weyna balan qaadeen in ansixiyaan waa been aan raad iyo sal lahayn wax la ansixinayo ma jirtee haday run sheegayaan soo jeedin ayay lahaayeene.

Maxay u soo jeedin waayeen marka Gaas horgeeyay, waxayn hormuud ka ahaayeen kuwii Gaas ku ceshay soo jeedintiisii, idinkana waxaa fiican inaad Dastuurka dib u akhrisaan keliya qolyahaas waxaad ku amaanaysaan  magaca Majeerteen ayaysan wadan laakiin Xildhibaano iyo Wasiiro kale aan Majeerteen ahayn ayaa jira oo aad amaanta ka reebteen iyaga ma isku hooyay noqdeen.

Related Articles

Puntland: Madaxwayne akhri qodobka 80-aad!

Sanadkii 2009 ayaa la asnixiyey dastuur loo dhanyahay, looguna wan-qalay inuu yahay sharciga ugu sareeya Puntland.

  • Fikradaha

    11-10-2022

  • 05:08AM

Yay tahay aminga in uu sugo!

"Sahminta inta badan fikirka amniga aadanaha [human security], wuxuu abuuraa iskaashi dheeli tira".

  • Fikradaha

    02-04-2020

  • 10:15AM