Dambiyada ay geysanayaan kooxaha burcadka ah oo ku sii badanaya dalka Sweden

Image

STOCKHOLM - Dowladda Sweden ayaa sheegtay in ay Ciidamada fursad u siin doonto si ay uga caawiyaan booliska sugida amniga iyo ka hortaga falalka dambi ee dhawaanahan ku sii fidaya dalka, kaas oo ay ku dhinteen 12 qof bishii September oo kaliya.

Dilka ayaa noqday mid si maalinla ah uga dhaca dalkaas, iyadoo inta badan falalkaasi ay geystaan ​​kooxo burcad ah oo ka kooban tiro dhalinyaro ah.

Sharciga Sweden ayaa hadda mamnuucaya in ciidamadu ay ka caawiyaan booliiska xaalad kasta oo ay lagama maarmaan tahay in loo isticmaalo xoog, marka laga reebo weerarada argagixisada.

Ka dib kulan uu la qaatay taliyayaasha ciidamada booliska iyo kuwa qalabka sida, Ra’iisul Wasaare Ulf Kristjersson ayaa sheegay in ciidamada iyo booliska ay si rasmi ah uga wada hadli doonaan hababka ay ku wada shaqeyn lahaayeen.

Dawladdu waxay sidoo kale tixgelin in wax ka badal lagu sameeyo sharciga si ay u ballaariso baaxadda xaaladaha ay booliisku ku codsan karaan kaalmo milatari, inlastoo aan wax faahfaahin wali laga bixin.

GAROWE ONLINE

 

 

Related Articles

Trump oo damaanad-qaaday amniga Ukraine Haddii Heshiis Nabadeed Laga Gasho Ruushka

Marka la eego arrimaha amniga, caawimo badan baa jiri doonta," ayuu Trump u sheegay warfidiyeenka.

  • Caalamka

    19-08-2025

  • 08:33AM

Madaxweyne Trump oo Dalbadey Abaalmarinta Nabadda ee Nobel Peace Prize 

Aqalka Cad iyo Guddiga Abaalmarinta Nobel ee Norway ayaa ka gaabsaday in ay ka jawaabaan codsiyo warbaahinta ku saabsan warkan.

  • Caalamka

    18-08-2025

  • 06:16AM