Saraakiil Mareykan ah oo tagaya Haiti kadib dilkii Moïse

Image

WASHINGTON, USA - Wafdi ka socda Mareykanka ayaa lagu wadaa inay booqdaan Haiti si ay u soo qiimeeyaan xaalada amaan ee ka jirta halkaas ka dib dilkii todobaadkii hore loo geystay Madaxweyne Jovenel Moïse.

Kooxda ayaa sidoo kale la kulmi doonta seddex siyaasiyiin ah oo u dhashay Haiti kuwaas oo mid kasta oo ka mid ah uu sheeganayo inuu yahay hoggaamiyaha sharciga ah ee dalka.

Mr Moïse, oo 53 jir ah ayaa lagu diley gurigiisa Port-au-Prince 7dii July, waxaana dilay 28 calooshood u shaqeystayaal ajnabi ah oo ay ku jiraan askarta shaqada ka fariisatay ee reer Kolombiya, sida booliska Haiti xusay.

Xaaskiisa ayaa ku dhaawacantay weerarka waxaana loo duuliyey Mareykanka si loogu daaweeyo. Waxay sheegtay in weerarka uu si deg deg ah ku dhacay, ninkeeda Jovenel ayaa awoodi waayey inuu "hal eray dhaho".

Martine Moïse ayaa goor dambe sharraxaad ka bixisay xilligii gacan ku dhiiglayaashu "rasaas ku dileen" ninkeeda kadib markii ay ku qarxeen gurigooda saq dhexe.

Weerarka kadib, mas'uuliyiinta Haiti waxay weydiisteen Mareykanka iyo UN-ka inay ciidamo u diraan wadanka si ay u ilaaliyaan kaabayaasha muhiimka ah.

Maamulka madaxweyne Joe Biden markii hore wuu diiday dalabka - laakiin wuxuu hada go’aansaday inuu si dhow u eego xaalada, sida ay warisay saxaafadda maxaliga ah.

Sida ay warbaahinta Mareykanka ayaa ku warantay, xubnaha wafdiga Mareykanka waxaa ka mid ah saraakiil sarsare oo ka tirsan laamaha amniga iyo cadaaladda.

Mr Moïse wuxuu madaxweyne ka ahaa Haiti, oo ah wadanka ugu saboolsan Ameerika, tan iyo 2017. Waqtigiisa xafiiska wuxuu ahaa mid aad u xun maadaama uu wajahayay eedeymo musuqmaasuq waxaana jiray banaanbaxyo baahsan oo ka dhacay caasimada iyo magaalooyin kale horaantii sanadkan kuwaasoo lagu diidan yahay xukunkiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo gaarey Qatar 

Sheekh Xamad bin Khaliifa Aal Thaani ayaa geeriyooday Axaddii, waxaana dowladda Qatar ku dhawaaqday afar maalmood oo baroordiiq qaran ah.

  • Caalamka

    15-07-2026

  • 01:45PM

Israa’iil oo shan sano xabsi ku xukuntay askari lagu helay inuu basaas u ahaa Iran

Mas’uuliyiinta Israa’iil ma shaacin aqoonsiga askariga ama faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan xogta uu la wadaagay Iiraan.

  • Caalamka

    15-07-2026

  • 10:51AM