Soomaali taariikh naadir ah ka sameeyay gudaha wadanka Norway

Image

OSLO, Norway – Khaalid Maxamuud oo ah 29-sano jir ayaa wuxuu noqdey Soomaaligii ugu horeeyay ee ku biira Akadeemiyada Filimaanta ee fadhigeedu yahay magaala madaxda dalka Yurub ku yaala Norway ee Oslo.

Jilaagaan ku barbaaray degmadda Søm ee magaalada Kristiansand ayaa kalsooni weyn ka qaba in uu kusoo bixi doono shaqadiisa cusub.

Bogga maxaliga ah balse afka dheer ee Fvn.no oo warbixin ka qoray sheekadan ayaa ciwaan uga dhigay "Khaalid wuxuu maqaarkiisa u arki jiray kalar dhiiragelin u ah. Hadda wuxuu u maleynayaan in ay tahay caqabad".

Shaqada uu shirkada Kilden ka helay Khaalid oo ka qalin-jabiyey Theater College ayaa qandaraaskeedu dhamaanayaa sanadka 2021-ka.

Shirkada shaqaaleysiisay ayaa horey waxay u wajahdey eedeymo ku saabsan in ay howlwadeenadu ku yar yihiin dadyow kala midab ah.

Kilden oo ah mashruuc ay si wadajir ah isaga kaashadaan Kilden Teater, Kristiansand Symphony Orchestra iyo Opera Sør ayaa Filimiinta iyo Ruwaayadaha ay sameeyaan waxaa lagu soo bandhigaan masrxayo u gaara.

Filimaanta uu kasoo muuqdey Khaalid Maxamuud waxaa kamid ah; Memory 3+ iyo No Man Is An Island oo labadooduba soo baxay 2017-kii.

Norway ayaa ku jirta wadamada aadka u soo dhaweeyay Soomaalida waddankooda uga qaxay colaada sokeeye kuwaasoo qaxooti ahaan u tegay dalkaas, waxaana kamida ra'iisul wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Khayre.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iyadoo xiisaddu kor u sii kacayso, ayaa weerar lagu qaaday markab shidaal oo ku xiran dekedda Dubai

Markabka oo lagu magacaabo Al Salmi ayaa watay xamuul aad u badan oo saliid ah…

  • Caalamka

    31-03-2026

  • 07:43AM

Spain oo hawadeeda ka xirtay diyaaradaha Mareykanka ee ka qeyb qaadanaya dagaalka Iran

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa marar badan dhaliilay dagaalka ay hoggaaminayaan Mareykanka iyo Israel.

  • Caalamka

    30-03-2026

  • 01:56PM