FAALLO: Xaalad Abuurka Puntland & Doorashada Somaliland

Image

FAALLADA WARKA|Waxay ahayd Nov 7,2017 markii golaha wakiilada Puntland oo uu hormuud u yahay Gudoomiyaha Barlamanka Axmed Cali Xaashi ay dhaliil u soo jeediyeen golaha fulinta ee dowlada kuwasoo ku canaantey in xuduudaha Puntland dhanka Woqooyi dayac badan ka jiro islamarkaana Dawlada aqoonsi doonka ah ee Somaliland ay ka wado diyaargarowrigii doorashayoonka Madaxweynaha.

Eeda hal mar ku soo boodka ah oo aan lahayn raad –raac, talo soo jeedin horey u socotey ayaa u muuqata iney tahay mid ka timid kooxo labada gole ka mid ah oo is og isalamarkana u gogal xaaranaya qaabkii ay xaalad abuur u sameensan lahaayeen lagu beego marxalada ka jirta deegaamada xuduud Puntland iyo Somaliland dhaca.

Qorshahaan ayaa waxaa heshiis ku ah xubno ka tirsan labada gole ee dowlada Puntland kuwasoo deegaan ahaan ka soo jeeda deegaamada ay ku tilmaalmeen in khatar deg-deg ah ka soo socoto hadii Xukuumadu si adag uga hortagin.

Gudoomiyaha Barlamanka Puntland Axmed Cali Xaashi oo Sanaag Bari ka soo jeeda ayaan xilkaan inta uu hayey booqashooyin rasmiya ku tagin dhulka uu ka dayrinayo sidoo kale Xaaji Maxamed Yaasiin oo ah Gudoomiye ku xigeenka Barlamanka ayaa sidoo kale Sool iyo Cayn marna aan ku mashquulin inuu soo kormeero dadka mas'uulka ka yahay magacoodana xilka ku hayo.

Wasiirada sida gaarka ah Barlamanka Puntland ama labada gudoomiye ugu baaqayeen waxay ahaayeen Wasiirka Amniga....iyo Wasiirka Arimaha gudaha ……labaduba waxay ka soo jeedaan deegaamada ay Dawalada kale doorashada kaga jirto islamarkaasna codadka laga helidoono la filayo inay noqon doonaan kuwii lagu kala adkaan lahaa.

Difaaca iyo ka hirgalinta waxqabadka dawladnimo dhanka Puntland ma waxay bilaamayaan markii ay Somaliland xuduudaha sanaadiikh soo dhigato, raga kubada isu salaxaya xaalad abuurka ah oo leh laba Gudoomiye Barlaman iyo laba Wasiir halkee jireen bil ka hor, sanad ka hor, labo sano ka hor goortii damaashaadka iyo dhaantada bulshada Sool, Sanaag iyo Cayn kaga hortagayeen booqashooyinkii siyaasadeed iyo waxqabad lahaa ay Somaliland "Madaxweyne Siilaanyo", Musharax Muse Biixi iyo Musharax Cabdiraxman Ciro ku kala bixinayeen deegaanada kuwasoo Salaadiinta, Garaadada, Cuqaasha iyo Qaybaha-kale-duwan bulshada la kulmayeen. Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi ayuu ahaa intii uu olalaha doorashada ku jirey midkii booqdey dhismyaashii qadiimiga ahaa ee magaalada Taleex isagoo halkaas cashar taariikh ak siiyey dadkii degaanka oo halkaas ku sugnaa.

Taleex ayaa magaalo madaxda Puntland ee Garowe u jirta 120 KMG halkaas ay ku sugan yihiin siyaasiyiintii labada gole kuwasoo aan gabi ahaan ka hadalin Idaacadaha iyo baraha kale ee bulshada ku muujiso dareenkooda.

Nin saacado kooban barnaamij uu shilimaad ku bisleesanayo hamiguusu yahay lama tartami karo nin sanooyin hamiguusu yahay in uu hantiyo dal iyo dad. Xaqiiqdu waxay tahay Puntland inta maanta dhaqan oo dad iyo dal ma aha in lagu khamaaro oo lagu daan-daansado dad iyagu horumar inay tiigsadaan ka go’antahay iyadoo aan ognahay in Puntland iyo Soomaaliya inteeda kale ku fashilmeen iney hirgaliyaan nidaamka hal-cod-hal-qof.

Dhulku iyo dadku biya ma aha oo gurimayaan waxa la rabaa qorshe fog iyo hami joogta ah in loola yimaado shacabka iyadoo golayaasha dowlada ( Puntland) ee hadda jira iyo kuwa imaan doona iska deynayaan dhaqan siyaasadeedla ah nolol maalmeedka kaasoo ku saleysan ku shub oo ka shubo.

Puntland guud ahaan waxaa la gudboon in Somaliland horumarka kaga dayato ee ma aha inay shaqo ka dhigato xaalad abuur joogta ah ay xubnaha labada gole ee kasoo jeeda goboladaas ay 19 sano ee maamulkaas jiro ku baa'binayaan dhaqaalaha cashuur bixyaasha runta ah.

Doorashada Puntland oo ay ka dhiman tahay muddo hal-sano ah ayaa shacabka Puntland waxaa la gudboon sidii ay uga gaashaaman lahaayeen iney gooyaan masiirkooda siyaasdeed kuwa golaha Barlamanka kamid ahaa tan iyo intii maamulkaan dhidibada loo taagey kuwasoo ka shaqeeya iney laa-luush ka gurtaan hadba kooxdii cusub ee rabta in talada dalka qabato.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Raasumaalka siyaasadda Camar Cabdirishiid iyo rar xumadda haysata

Marka laga hadlayo dhanka metelaadda, Cumar waxa uu Puntland ku metelayay…

  • Faaladda Warka

    03-04-2022

  • 09:33PM