Soomaaliya: Caro ka dhalatay agaasime u gafay shacabka Koonfur Galbeed

Image
Ninkan ayaa xilka agaasimaha ku helay aflagaaddo joogto ah uu ka geysan jiray fagaarayaasha Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Bashiir Macalin, oo agaasime ka ah Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya ayaa falcelin xooggan iyo cambaareyn kala kulmay hadal uu ugu gefay Shacabka Koonfur Galbeed.

Bashiir ayaa ku tilmaamay dadkii banaanbaxa lagu taageerayo Ciidanka Itoobiya ka dhigay Xudur iyo Waajid inay yihiin Carruur ay degaanada KG ku dhaleen askarta Itoobiyaanka ee dalka soo galay xiligii dowladdii C/llaahi Yuusuf.

Ninkan ayaa xilka agaasimaha ku helay aflagaaddo joogto ah oo fagaarayaasha Muqdisho ugu geysan jirin dowladii Farmaajo, isagoo hadalladiisa u badnaa "kicin qabiil".

Duqii hore ee Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa waxa uu madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqay inuu talaabo ka qaado mas'uulkan.

"Wuxuu diidanaa shalay ninka doonayow joog, dantaguud ha dhaawiciin," ayuu Taabid soo qoray.

Wuxuu raaciyay hadalkiisa: "Madaxweyne shalay adigaa xigan jiray in la illaaliyo sharciga shaqaalaha rayidka oo ka mamnuucaya shaqaalaha rayidka inay siyaasadda ku milmaan, maanta adigoo ah Madaxweynaha JFS in aflagaado isir-caayid ah uu ku kaco qof ka mid ah shaqaalaha rayidka waa wax aanan la aqbali karin, haddii sharciga lala tiigsanna waxay noqon doontaa gardarro garab og iyo dulmi raali laga yahay".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo la kulmaya tijaabo adag: Daciifnimada hoggaankiisa oo Baydhabo ka muuqata

Si kastaba, ciidamada taabacsan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

  • Faaladda Warka

    17-08-2026

  • 08:20PM

FAALO: Muqaal Sawir Ma Aha Midnimo Soomaaliyeed

Maamulka cusub ee SSC-Khaatumo ayaa kulanka kusoo biiray, iyadoo Villa Somalia sheegtey…

  • Faaladda Warka

    06-05-2025

  • 03:03PM