Deni: Puntland ma aqbali doonto waxkasta oo baalmarsan dastuurka

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa madasha su'aallo waydiinta ee ay soo qaban-qaabisay PDRC kaga hadlaya xalay arrimo khuseeya Puntland iyo doorashooyinka Soomaaliya ee 2020/2021.

Arrimaha Puntland

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in mudadii  xafiiska uu joogay ee halka sano ah ay dowladdiisa ku guuleysatay inay ka qabato Puntland arrimo badan, sida amniga, dhaqaalaha, isla-xisaabtanka iyo hanaanka dimuqraadiyeynta, oo hadda meel fiican maraya, lana dhisay guddi doorasho oo KMG ah.

"Markii aan xafiiska imaanay, waxaan wajahnay caqabado dhowr ah iyo in dadka qaar kasoo horjeedeen isbedelka Puntland, isla markaana ay dhiirrigelinayeen nidaamka dhexe ee maamulka," ayuu uga jawaabey Deni su'aal ku saabsanayd waxqabadka xukuumadiisa halka sano jirsatay.

Deni ayaa xusay in Puntland ay soo martay waqtiga adag, oo looga gudbay isku-tashi, lagu dhisay garoomo diyaaradeed, jidad, dekado, goobo waxbarasho iyo xaruumo dowladeed, sidoo kalena wax looga qabtay arrimaha dhaqaalaha.

Madaxweynaha ayaa mar uu ka jawaabayay su'aal kale oo la xiriirta amniga Puntland ayaa yiri: dembiyada abaabulan si weyn ayay hoos ugu dhaceen, taasoo ka dhalatay tallaabooyinka amni ee la qaadey".

Dhanka hanaanka dimuqraadiyeynta Puntland waxuu Madaxweynaha sheegay inay dowladdiisa bixin doonto dedaal badan sidii loo qaban lahaa doorasho qof iyo cod ah marka uu dhamaado mudo-xileedkiisa dastuuriga ah.

"Shacabka Puntland tan iyo 1998 waxay sugayeen doorashooyin dimuqraadi ah. Waxaan si adag u aaminsanahay in doorasho hal qof iyo hal cod ah ay suurtagal tahay dhamaadka mudo-xileedkayga," ayuu yiri Deni.

Madaxweynaha ayaa isagoo ka jawaabeyay su'aal ku saabsanayd ardayga Puntland wax ku barta oo aan aqoonsanayn waasaaradda waxbarashadda dowladda Soomaaliya ayuu yiri: Nidaamka waxbarasho ee Puntland mudo dheer ayuu soo jiray. Waxaan xaq u leennahay in aan waxbarno ubadkeenna, shahaado u diyaarinno, waxna ku barno manhaj aan leenahay. Waan ka hortagi doonaa go'aan kasta oo ka yimaada Muqdisho oo lagu fara-gelinayo nidaamkeenna waxbarasho".

Deni ayaa balan-qaadey inuu ka dhabeyn doono balan-qaadkiisii doorashadda, islamarkaana uu isbedel la taaban karo ku sameynayo hay'adaha amniga, kaabiyaasha dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada, sidoo kalena la sameyn doono hanaanka casri ah oo hufan oo lagu bixiyo mushahaarka shaqaalaha dowladda.

Doorashooyinka Soomaaliya 2020-2021

Deni ayaa sharaxaad dheer ka bixiyay noocyada doorasho ee soo maray Soomaaliya tan iyo 1960-kii, laga soo billaabo mid qof iyo cod ah illaa nidaamka qabiilka ee 4.5 oo wixii ka dambeeyay 2000 lagu soo dhisayay dowlado aan awood badan lahayn.

Madaxweynaha Puntland ayaa hoosta ka xariiqay baahidda loo qabo in Soomaaliya yeelato nidaam doorasho oo shacabka ay kusoo dooran karaan hogaamiyeyaashooda si xor iyo dimuqraadi ah.

"Hadii aan Dastuurka dhameystirneyn, wali wuxuu dalka u baahan yahay shaqo badan. Waxaan doonaynaa sharciyo ka tarjumaya xaqiiqada ka jirta dalkeena," ayuu yiri Deni.

Waxa kaloo uu tilmaamay Madaxweynaha in hadii aan dowlad goboleedyada laga qeyb-qelin, islamarkaana aragti ku yeelan sharciga cusub ee doorashooyinka uu noqonayo mid hal dhinac ah, oo caqabad ku noqon doono hiigsiga Soomaaliya ee ah doorasho qof iyo cod ah in ay dhacdo.

"Wax kasta oo kahor imaanaya ama jebinaya dastuurka iyo midnimada shacabka, Puntland ma aqbali doonto," ayuu Deni hadalkiisa raaciyay.

Wuxuu intaasi ku daray in Puntland ay diyaar u tahay wadaxaajood dhab ah, oo micna leh si dalka uu uga gudbo nimaadka "anigaa yiri" ee aan heshiiska lagu ahayn.

Deni ayaa balan qaadey inuu ka qeybgali doono wadahadalada lagama maarmaanka u ah xallinta arrimaha dastuurka iyo mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.

Isagoo ka jawaabayay sababta uusan Muqdisho wali u tagin ayuu yiri: "Dabcan, aniga meel iskama tago, hadaanan shaqo u tageyn howsha ugu weyna waa in aan u tago xiriirka Dowladda Fedraalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah, kaasna markii ugu horeysay Garowe ayaan ku qabanay, wixii ka danbeeyayna waa la diiday in la isugu yimaado mas'uuliyadeedana Puntland malahan, shaqooyinka kalana wasiirada leh wey tagaan marka teydii waa la ii ogalaan la’yahay, ee marka la ii ogalaado ayaan tagayaa”

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee Jubaland iyo dowladda Federaalka, kaasoo uu sheegay inuu dhamaadey, kadib markii wasiirka maaliyadda C/raxmaan Ducaalle Beyle tagey Kismaayo, islamarkaana uu ka qeybgalay shir uu daahfuray Madaxweyne Axmed Madoobe todobaadkii tagey,l kaasoo looga hadlay masiirka maaliyadeedka ee dalka.

Deni ayaa socdaalkii Beyle ku tilmaamay mid muujinaya in dowladda aqoonsatay doorashadii Axmed Madoobe, islamarkaana laga maarmay doorkii dhex-dhexaadinta, inta dhimana ay labada dhinac dhameysan doonaan.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa galaysa sanadka cusub ee 2020 marxalad kala guur ah, iyadoo wali dowladda dhexe iyo maamullada federaalka aaney heshiis ka gaarin khilaafka ka taagan arrimaha dastuurka, sharciga doorashooyinka ee hadda horyaalla Baarlamaanka iyo qeybsiga khayraadka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM