DF Soomaaliya oo "aqoonsatay" maamulka Axmed Madoobe

Image

GAROWE, Puntland – Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo jeediyay in wada-hadalo dhab ah laga galo arrimaha masiiriga ah ee dalka horyaala sidda qabyo-tirka Dastuurka iyo doorashooyinka 2020-21.

"Puntland way jiraysaa, wax kasta oo ka hor imaanaya shuruucda dalka iyo sida dadku ku heshiiyeyna ma noqon doonto wax ay Puntland aqbasho, sidii horayba uu mowqifkeedu u caddaa," ayuu yiri.

Wuxuu ku daray:"Waxan u baahan nahay wadahadal rasmi ah oo daah furan, waxan u baahan nahay dalku in uu ka baxo is jiid-jiidka".

Hadalkan ayuu ka sheegay madasha PDRC Talks oo uu marti ku lahaa. Ajendaha wuxuu ahaa Xaaladda Puntland iyo Doorashooyinka Soomaaliya ee sanadka 2020-21, taasoo aan wali heshiis laga gaarin nidaamkeeda.

Aqoonsiga Jubaland

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, ayaa todobaadkii lasoo dhaafay ku qabtay Kismaayo shirka maaliyadda dalka oo ay kawada qeybgaleen maamuladda iyo dowladda federaalka.

Qabsoomida kulankaas ayaa yimid xili uu jiro khilaaf u dhaxeeyay Jubaland iyo Villa Soomaaliya oo ku saabsan doorashadii madaxweyne Axmed Madoobe.

Isagoo hadalkiisa sii wata, Deni ayaa socdaalka wasiir Bayle ku qeexay mid muujinaya in dowladda federaalka ay "aqoonsatay guusha Axmed Madoobe".

"Wixii aan garwadeenka ka noqon lahayn way iska dhamaatay, dowladdii federaalka waa tii lahayd ma aqoonsanin, waa tii maalin dhoweyd wasiir Bayle tagey, waa aqoon-sadeen marka, hadda dhib kama taagna taas, wixii kaloo dhiman iyagaa dhameysan doona, annaga doorkaas Ilaahaa naga furtay".

Madaxweyne Deni oo ka qeybgalay caleema saarkii Axmed Maxamed Islaam kaasoo Villa Soomaaliya isku dayday in ay baajiso ayaa horey u balanqaadey in uu dhex-dhexaadin doono dhinacyadda.

Dib-u-heshiisiinta

Deni oo ka jawaabay eedeynta ah in xukuumadiisu ay gedaal ka riixeysay mooshinkii lagu riday Dhooba Daareed ayaa yiri: "Xubnaha coddeynaayey kama tirsaneyn xukuumadda, waxay kamid ahaayeen baarlamaanka".

"Dadkii dalkan burburkiisa qeybta ka ahaa oo la cafiyey oo aan maxkamad la saarin [ayaa leh] Guddigii dib u heshiisiintaan nahay, xeerarkii dalkan dejinaynaa, nidaamka doorashada annagaa asteynayna," ayuu xusay.

Mar uu ka hadlaayey hiigsiga fog ee maamulkiisa hadda jira ayuu tibaaxay: "Yoolka xukuumadeydu waa tayeynta dowladda Puntland iyo nidaam dowladeed oo xasiloon kuna dhisan sharci iyo kala dambeyn".

Madaxweyne Deni oo sharaxaya sababta uusan Muqdisho wali u booqan ayaa yiri: "Dabcan, aniga meel iskama tago, mar hadaan madaxweyne ahay shaqo in aan u tago waaye, sida uu Dastuurka dhigaayo, shaqada ugu weyn ee madaxda ka dhaxeyso waa shirarka u dhaxeeyo dowladda iyo dowladaha xubnaha ka ah".

Ugu dambeyntii, madaxweynaha ayaa caddeeyay in Puntland ay gebi ahaanba kasooo horjeedo sharciga doorashooyinka ee haatan horyaala baarlamaanka federaalka, maadaama uusan waafaqsaneyn Dastuurka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM