Golaha Wasiiradda Puntland oo meelmariyey Miisaaniyadda 2020

Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Shirka Golaha Wasiirada ee Dowladda Puntland ayaa Isniinta maanta ah waxay shir degdeg ah ku yeesheen magaaladda caasimadda ah ee Garowe.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa gudoomiyey kulanka oo caawa ka qabsoomay Madaxtooyadda ayna kasoo qeybgaleen inta badan xubnaha Laanta Fulinta.

Wasiiradda ayaa cod wadar ogol ah waxay ku ansixiyeen Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2020 taasi oo gaareysa aduun lacageed dhan $346,416,158.99.

Sidda ku cad qoraal shirka kasoo baxay, Miisaaniyadda ayaa 3% waxaa loogu talogalay horumarinta gobolada, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo dayactirka waddooyinka.

Dhalinyaradda ayaa sidoo kale qoondo fiican loogu sameeyay Miisaaniyadda. Qoondada waxay ku dhici doontaa Sanduuqa Horumarinta Dhalinyaradda Puntland.

Barnaamijka Diqmoraadiyenta ayaa loo kordhiyey qoondada laga siinayo Miisaaniyadda. Guddiga Doorashooyinka oo arrintaan ka shaqeynaya ay ansixiyeen Golaha Wakiilada.

Miisaaniyadda Golaha Wasiiradda meelmariyeen ayaa waxaa loo gudbin doonaa baarlamaanka oo dood iyo falanqeyn kadib la filayo in ay cod aqlabiyad leh ku meelmariyaan.

MUUQAALKA GOLAHA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM