Madaxweyne Gaas oo shaqadii ka cayriyay mas’uuliyiin katirsan Wasaaradda Kalluumaysiga

Image

BOOSAASO, Puntland- Wareegto kasoo baxday Madaxweynaha dowladda Puntland, ayaa shaqadii looga erayay mas’uuliyiin sar sare oo katirsan Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Puntland.

Dadka shaqada laga eryay waxaa ku jira wasiir ku-xigeenkii Wasaaradda Maxamuud Maxamed Cali (gabax), kaasoo lagu eedeeyay musuq-maasuq.

Madaxweynaha ayaa wareegtadan u cuskaday baaritaan uu sheegay inay sameeyeen guddi la magacaabay 04 bishii April 2018 kuwaasoo loo xilsaaray inay baaritaan ku sameeyay musuq-maasuq lagu eedeeyay Wasaaradda.

Faahfaahin lagama bixin nooca Musuqmaasuq ee Guddigaas sameeyay, balse waxaa wasaaraddan horay loogu eedeeyay inay bixiso Shatiyo Sharci darro ah, kuwaasoo ay cabasho ka keeneen Kalluumaysatada Puntland.

Hoos ka Akhriso Wareegtada kasoo baxday Madaxweynaha Puntland:-

Xeer Madaxweyne Lr. 54 May 2, 2018, kuna saabsan shaqo ka eryid.

Madaxweynaha Dawladda Puntland

Markuu Arkay: Dastuurka Dowladda Puntland.

Markuu Arkay: Baarista ka soo baxday guddiga baarista iyo soo bandhigista xogta musuqmaasuq iyo maamul xumo ee lagu magacaabay digreetada Madaxweyne MW/DPS/247/04/04/2018

Markuu Tixgeliyey: Talo soo jeedinta Guddiga

  1. Waxaa shaqadii laga eryey Madaxda iyo shaqaalaha hoos ku qoran:-
  2. Maxamuud Maxamed Cali (gabax)

Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Kalluumaysiga iyo khayraadka badda

  1. Cali Xirsi Faarax Maxamuud

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda.

  1. Cabdulqaadir Xaaji Yuusuf Siciid Fay Agaasimaha waaxda maamulka ee Wasaarada kalluumaysiga iyo khayraadka badda.
  2. Maxamed Siciid Cartan (Balcad)

Agaasimaha waaxda Kalluumaysiga ee Wasaarada kalluumaysiga iyo khayraadka badda.

  1. Cabdicasiis Axmed Jaamac

Xiriiriyaha Gobolada ee Wasaarada kalluumaysiga iyo khayraadka badda

  1. Cabdi Salaad Maxamuud (Radoofe)

Fidiye Wasaarada kalluumaysiga iyo khayraadka badda.

  1. Casayr Yuusuf Maxamuud

Fidiye Wasaarada kalluumaysiga iyo khayraadka badda.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynu, wuuna saxeexay madaxweynuhu.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM