Madaxweyne Gaas oo shaqadii ka cayriyay mas’uuliyiin katirsan Wasaaradda Kalluumaysiga

Image

BOOSAASO, Puntland- Wareegto kasoo baxday Madaxweynaha dowladda Puntland, ayaa shaqadii looga erayay mas’uuliyiin sar sare oo katirsan Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Puntland.

Dadka shaqada laga eryay waxaa ku jira wasiir ku-xigeenkii Wasaaradda Maxamuud Maxamed Cali (gabax), kaasoo lagu eedeeyay musuq-maasuq.

Madaxweynaha ayaa wareegtadan u cuskaday baaritaan uu sheegay inay sameeyeen guddi la magacaabay 04 bishii April 2018 kuwaasoo loo xilsaaray inay baaritaan ku sameeyay musuq-maasuq lagu eedeeyay Wasaaradda.

Faahfaahin lagama bixin nooca Musuqmaasuq ee Guddigaas sameeyay, balse waxaa wasaaraddan horay loogu eedeeyay inay bixiso Shatiyo Sharci darro ah, kuwaasoo ay cabasho ka keeneen Kalluumaysatada Puntland.

Hoos ka Akhriso Wareegtada kasoo baxday Madaxweynaha Puntland:-

Xeer Madaxweyne Lr. 54 May 2, 2018, kuna saabsan shaqo ka eryid.

Madaxweynaha Dawladda Puntland

Markuu Arkay: Dastuurka Dowladda Puntland.

Markuu Arkay: Baarista ka soo baxday guddiga baarista iyo soo bandhigista xogta musuqmaasuq iyo maamul xumo ee lagu magacaabay digreetada Madaxweyne MW/DPS/247/04/04/2018

Markuu Tixgeliyey: Talo soo jeedinta Guddiga

  1. Waxaa shaqadii laga eryey Madaxda iyo shaqaalaha hoos ku qoran:-
  2. Maxamuud Maxamed Cali (gabax)

Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Kalluumaysiga iyo khayraadka badda

  1. Cali Xirsi Faarax Maxamuud

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda.

  1. Cabdulqaadir Xaaji Yuusuf Siciid Fay Agaasimaha waaxda maamulka ee Wasaarada kalluumaysiga iyo khayraadka badda.
  2. Maxamed Siciid Cartan (Balcad)

Agaasimaha waaxda Kalluumaysiga ee Wasaarada kalluumaysiga iyo khayraadka badda.

  1. Cabdicasiis Axmed Jaamac

Xiriiriyaha Gobolada ee Wasaarada kalluumaysiga iyo khayraadka badda

  1. Cabdi Salaad Maxamuud (Radoofe)

Fidiye Wasaarada kalluumaysiga iyo khayraadka badda.

  1. Casayr Yuusuf Maxamuud

Fidiye Wasaarada kalluumaysiga iyo khayraadka badda.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynu, wuuna saxeexay madaxweynuhu.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamadda Puntland oo qabtey nin ku hubaysan walxaha qarxa

Howlgalkan ayaa xalay saqdii dhexe waxa uu ka dhacay qeybo kamid ah magaalada Boosaaso.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 05:32PM

Puntland iyo Sweden oo ka shiray iskaashi dhanka mashaariicda horumarinta

Madaxweyne Deni ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya, Joachim Waern.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 03:34PM