Nin xaaskiisa dil iyo kufsi loogu geystay Garowe oo afka furtay

Image

GAROWE, Puntland – Cabdi Maxamed Faarax, waa dhibanihii ugu dambeeyay ee ficilada foosha xun ee kufsiga iyo dilka ee ka dhacaya dhulka ay Soomaalidu degto gaar ahaan degaanada dowladda Puntland.

Xaaskiisa, Hodan Axmed Maxamed, ayaa todobaadkaan kufsi iyo dil lagula kacay magaalada Garowe xili uu safar ku maqnaa.

"Dhowr qof baa i soo wacday kahor inta aysan ila soo xiriirin gabar dariska ahayd markaasoo aan xaqiiqsaday," ayuu Cabdi baqrinimadii maanta oo Jimce ahayd u sheegay Garowe Online.

Marxuumadda oo ifka kaga tegtay laba caruur ah – wiil iyo gabar – ayaa la sheegay in ay faraxumeeyeen rag dhalinyaro ah oo durba ka baxsaday goobta.

"Maamulka isbitaalka la geeyay ayaa in oo xaqiijiyay in la kufsaday kadibna la dilay," ayuu aabaha caruurtaasi hadalkiisu raaciyay.

Laamaha amniga ayaa tiro dad ah oo lala xiriirinayo falkaan u soo qabtay, sida laga soo xigtay Cabdi, oo xusay in qaarkooda "dambiga uu ku cad yahay."

"Wali ma aanan wada hadlin Booliska balse waanu balansan nahay," ayuu hadalkiisu kusii daray Cabdi Maxamed.

– Shuruud lagu xiray in la aaso meydka –

Si baaritaan loogu sameeyo, meydka marxuumad Hodan ayaa muddo afar casho ah ku jiray isbitaal ku yaalla caasimada dowlada Puntland gaar ahaan qolka lagu keydhiyo meydadka.

Marxuumadda oo maanta oo Jimce ahayd lagu aasay Garowe ayaa duugteeda waxaa ka horeysay arrin aad loola yaabay.

Sheekadda ayaa ahayd in la waydiiyay qoyska mushkiladu ku dhacday 300 oo dollar-ka Mareykanka ah, taasi oo ah in kirada qaboojiyaha uu ku jirtay meydka.

"Waan bixinay, sababtoo ah waxaanu ahayn dad meyd uu u yaalay," ayuu daba dhigay hadalkiisa. "Dowladda kuma aanan war-gelin," ayuu sii raaciyay.

Cabdi, oo ah darawal iyo beeraley, kaasi oo rajo wanaagsan ka muujiyay in cadaalad ay heli doonto marwadiisa ayaa dalbaday meel looga soo wada jeesto ficilada noocaan ah ee foosha xun kuwaasi oo soo badanaya.

"Bulshadu way u jeedaa falka foosha xun ee halkaan ka dhacay … balse waxaan u jeedinayaa in ay ka feejignaadaan oo sharciga la mariyo wixii lagu qabto," ayuu hadalkiisa kusoo xiray Cabdi.

Kiiskaan cusub ayaa imaanaya oo uu wali taagan yahay falkii lagu faraxumeeyay Caasha Ilyaasi oo ahayd gabar 12-sano jir, kaasi oo hay’addaha amaanku sheegayaan in baaritaankiisu meel gabagabaha uu marayo.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khasaaro ka dhashay shil gaari oo ka dhacay degmada Dangoronyo

Shilkaan ayaa ku soo beegmaya kadib markii xalay Roobab daadad wata ay ka da'een Gobalada Puntland.

  • Puntland

    05-05-2024

  • 12:57PM

UK oo bilowday wadahadal ku saabsan inuu toos ula macaamilo Puntland

Dowladda Puntland ayaa horey u dalbatay in si gaar ah ay ula macaamisho beesha Caalamka.

  • Puntland

    05-05-2024

  • 09:51AM