Qodobadii uu ku kacay Dhooba Daareed ee keenay in uu xilkiisa waayo

Image

GAROWE, Puntland – Baarlamaanka dowladda Punland ayaa Khamiista maanta ah waxay cod wadar ogol ah jagada uga xayuubiyeen Cabdixakiim Dhooba Daareed, afhayeenkii Aqalka tan iyo 4-tii July 2019.

Fadhi ay mudaneyaashu ku yeesheen xaruntooda caasimadda Garowe kana soo qeybgaleen 53 mudane waxaa "Haa" oo xil ka qaadis ah cod gacan taag ah ku taageertay 49aad, 4na way ka aamustey.

Xilka ka qaadistan ayaa waxay ka dambeysay markii sharcidejieyaal gaaraya 44 ay Mooshin ka keeneyn Mr Dhooba Daareed.

Sidda ku cad warqadda soo jeedin gudbinta oo nuqul kamid ah uu helay warsidaha Garowe Online, Xildhibaanadda ayaa u jeediyey Cabdixakiim Dhooba Daareed eedeymo kala duwan.

Eeedeymaha ayaa waxaa kamid ah; "ku tagrifal awoodeed, baalmarista Xeer-hoosaadka Golaha Wakiiladda & Dastuurka Puntland iyo awooda Golaha oo uu uga faa'ideystay sida uu isagu jecel yahay".

Qodobada "uu ku tuntay," sidda ku cad warqadda oo saxiixa Xildhibaanadda ay ka muuqato ayna baahisay xogheynta Aqalka Wakiiladda, ayaa waxaa kamid ah;

Qodobka 59aad ee Dastuurka dowladda Puntland ee sheegaya in ay wada shaqeyn ka dhaxeyso hay'addaha dowladda.

Qodobka 55aad, farqadiisa 1aad ee xeer-hoosaadka Golaha wakiilada Puntland. Qodobkaan ayaa wuxuu dhigaya in ciidan aan ahayn kuwa ilaalada xarunta baarlamaanka in aan lasoo gelin karin.

Taasi bedelkeeda, gudoomiye Dhooba Daareed ayaa geeyay dhismaha xeer-dejinta maleyshiyo beeleed taabacsan.

Qodobka 55aad, farqadiisa 3aad ee faraya in aan hoolka shirarka lala soo geli karin ciidamo hubeysan.

Dhooba Daareed ayaa "iska dhiratiray" talo soo jeedintii Guddiga Ammaanka oo ahayd in hoolalka shirarka lagu ilaaliyo hubka iyo ciidanka.

Qodobka 50aad ee xeer-hoosaadka Golaha Wakiilada Puntland ee sheegaya in Xildhibaanku awood u leeyahay dhex-gelin toosineed ayuu "iska beyray".

Qodobka 48aad, farqadiisa 2aad, xarafka B, ee xeerinaya dhexdhexaadnimada gudoonka Golaha Wakiiladda.

Cabdixakiim Dhooba Daareed ayaa lagu dhaleeceeyay in Xildhibaanada marka ay hadal-jeedin sameynayaan "uu u kala eexan jiray" dhanka waqtiga.

Qodobka 90aad farqadiisa 2aad iyo 3aad ee xeer hoosaadka kaasoo xeerinaya xisaab celinta Golaha Wakiilada ayuu "si cad ugu tuntay".

Xildhibaanadda soo jeedinta gudbiyey ayaa ku dhaliilay Dhooba Daareed in uu warbaahinta ka jeediyey hadalo "meel ka dhac ku ah Puntland oo ahaa in Puntland ay kala qeybsadeen saddex qabiil aysana jirin sinnaan".

MUUQAALKA KULANKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM

Shacabka Garowe oo loogu baaqay ilaalinta kanaalada biyuhu maraan

Howlgalka xalay ayaa laga sameeyay waddada laamiga ah ee Globol iyo waddada Sagal.

  • Puntland

    16-04-2024

  • 05:26AM