Urur Siyaasadeedka Mideeye oo dhaliil kala kulmay qoraal uu soo saarey

Image

GAROWE, Puntland – Mideeye, oo kamida tobban Urur Siyaasadeed oo guddiga doorashada KMG ah ee Puntland siiyey shahaadada, ayaa dhaleeceyn kala kulmay qoraal uu ugu sacabo-tumay go'aanadii shirkii Dhuusamareeb 3.

Dowladaha Puntland iyo Jubaland ayaa si wadajir ah u sheegay in aysan khuseyn natiijadda kulankaas maadaama aysan ka qeybgelin, waxayna xuseen in ay soo dhaweynayaan dedaal kasta oo wadar-ogol lagu goobayo.

Siyaasiyiin iyo dadweyne badan ayaa ururka Mideeye cambaareynta u mariyey baraha bulshada kuwaas oo ku booriyey in ay bayaankaas ka noqdaan isla markaana raali gelin buuxda ka bixiyaan taageerigooda heshiiskaas aanan loo dhameyn.

Cabdi Faarax Saciid [Juxa], wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya isla markaana jagooyin kasoo qabtay dowladda Puntland ee Soomaaliyeed, ayaa wuxuu sheegay in Urur Siyaasadeedka Mideeye uu "saqiiray".

"Urur-siyaasadeedka MIDEEYE ee Puntland oo saqiiray. Haddaan ururku si dhaqso ah cududaar iyo faah-faahin uga bixin qoraalkooda shirka Dhuusamarreeb3 ee dheellitirraantu ka muuqato, kama duwana tallaabadii urur-diimeedka Al-Itixaad ee 1992 ee ku dhamaaday buuraleyda Saliid ee Gobolka Sanaag," ayuu kusoo qoray bartiisa gaarka ah ee xiriirka dadweynaha Facebook-ga.

Qeybo kale oo kamid ah bulshadda ka hor-timid war-saxaafadeedkaas ayaa uga digay in aysan hareer-marin go'aanka dowladda Puntland iyo danaha maamulkan xubinta ka ah federaalka Soomaaliya.

"Anigu Mideeye markaan arkay ma dhowayn Mideeye weli xisbi isagoon noqon doorasho dawladaha hoosena aan gelin ayuu rabaa inuu war murtiyeed soo saaro taasina maaha wax sharci ah xeer qoraya ma jirto waa mushkilad ku dhex jirta xisbiyada Mideeye afka Puntland dawlada keliyaa ku hadli karta waa qodob dastuuri ah waxay lumin doonan ururnimadooda," ayuu Korneyl Amiin Cabdiraxmaan kusoo qoray bartiisa gaarka ah ee Facebook.

Ururka Mideeye waxaa xubnihiisa kamid ah siyaasiyiin qaarkood murashaxiin madaxweyne kasoo noqdey Puntland kuwaasoo la tuhunsan yahay in ay xiriir hoose la leeyihiin Villa Soomaaliya.

Inta badan Ururada siyaasadda ee ka jira Puntland oo haatan isugu diyaarinaya doorashooyinka ugu horeeyay ee goleyaasha degaanka soo aadan waxaa hogaankooda iyo xubnahooda kamid ah mas'uuliyiin xilal u soo qabtay.

Qaar kamid ah siyaasiyiinta iyo dadweynaha naqdiyey

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM