Deni iyo Axmed Madoobe oo Mucaaradka Xasan Sheekh kula shiray Nairobi

Image
Image
Image
Image
Image
Image

Nairobi – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa magaalada Nairobi kula kulmay xubno ka tirsan Madasha Samatabixinta Qaran. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee dalka Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha siyaasadda, doorashadda iyo amniga.

Madaxdu waxay si gaar ah uga wadahadleen sidii looga bixi lahaa marxaladda kala-guurka, oo dalka Soomaaliya uu u heli lahaa mustaqbal wanaagsan – oo ku saleysan xasillooni siyaasadeed, amni waara, iyo horumar dhaqaale.

Shirkaas waxaa kasoo baxay qodobbada muhiimka ah ee hoos ku xusan:

In la dhiso Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, oo mideyn doona Madasha Samatabixinta Qaran iyo dowlad-goboleedyada Jubbaland iyo Puntland.

In si degdeg ah loo qabto shir kale oo ka dhaca gudaha Soomaaliya, si looga tashado laguna go’aamiyo jihada siyaasadeed ee dalka inta lagu jiro marxaladda kala guurka.

In shirkan xiga lagu dhameystiro dhismaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliya.

In shacabka Soomaaliyeed lagu booriyo midnimo iyo wadajir, si loo ilaaliyo qarannimada, loogana hortago cid kasta oo isku dayda inay carqaladeyso wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

In loo mahadceliyo Dowladda Kenya dadaalka iyo taageerada ay ka geysaneyso xasiloonida iyo horumarka Soomaaliya.

Madaxda kulanka ka qeyb galay ayaa muujiyay rajo iyo go’aan adag oo ku aaddan in laga shaqeeyo nabad waarta iyo nidaam siyaasadeed oo lagu kalsoonaan karo, iyagoo ku heshiiyay inay sii wadaan kulamada wadatashiga ah, ee xalka lagu raadinayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya oo dagaalka Bariga Dhexe kala hadlay qaar kamid ah Madaxda Khaliijka 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mar kale xaqiijiyay taageerada Soomaaliya ay u hayso Urdun iyo Qatar.

  • Soomaliya

    03-03-2026

  • 11:27AM

Puntland oo si Adag u Diidday Wax ka Bedelka Dastuurka Federaalka Soomaaliya

Puntland waxay caddeysay inay aqoonsan tahay oo keliya Dastuurka KMG ah ee lagu heshiiyey sannadkii 2012.

  • Soomaliya

    02-03-2026

  • 09:05PM