Wasiirka Wasarada Degaanka ee maamulka Puntland oo is-casiley [AKHRI]

Image

GAROWE - Wasiirka Wasaarda degaanka  Puntland ayaa xilkii uu hayey iska casiley kadib markii Maamulka Madaxweyne Gaas uu ku eedeeyey inuu ka weecdey ujeedooyinkii loo dhisey Puntland, sidaas waxaa lagu sheegey qoraal uu soo gaarsiisyey Warsidaha Garowe Online.

Cali Cabdulahi Warsame ayaa ku sheegey qoraalkiisa in maamulka Puntland oo uu hogaaminayo Madaxweyne Gaas lasoo gudboonaadeen Jahawareer siyasadeed, dhaqaale, amni daro iyo in haykalkii difaaca degaanada hoos yimaado uu  bur burey.

Wasiir Cabdulahi ayaa sheegey in wajibaadkii iyo shaqadii Wasarada degaanka lagu wareejiyey hay’ad Madaxweynaha si gaar ah u naas-nuujisa.

Go’aanka is-casilaada Wasiirka ayaa yimid kadib markii maalmihii lasoo dhaafey hay’ada Tamarta iyo biyaha “PSAWEN” golaha wasiirada Puntland ku wareejiyeen in la hoos keeno  barnaamijka biyo xireenada taasoo dhalisay muran iyo jahawareer ku yimaado mashruuc Dowlada Jarmalka ka hirgalineysay degaano laga dayactirayey wadadda isku xirta Tuuladda Jalam iyo Xarfo.

Mashruucaan oo lacag farrabadan ku kacaya ayaa hay’adaan waxay olole u gashay sidii loogu Soo wareejin lahaa iyadoo gacan saar la yeelatey xubno ka tirsan xafiiska Madaxweynaha Puntland.

Ku xigeenka cusub ee hay’adda PSAWEN ayaa waxaa dhowaan loo magacaabey Candirizaq Burgal oo Madaxweyne Gaas aad isugu dhow yihiin shaqsiyan.

Dowladda Jarmalka ayaa dhowaan joojisay gabi ahaan mashruuc lagu dayac tirayey Wadada isku xirta tuulada Jalam iyo degmada Xarfo kadib markii hirgalintiisa lagu sameeyey musuqmaasuq. 

 

GAROWE ONLINE 

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM