Al-Shabaab hoobiye tuurayay oo lagu qabtey Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada amniga dowladda Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay nin ay sheegeen inuu katirsan yahay Kooxda Al-Shabaab, kaasoo sawiradiisa warbaahinta loo soo bandhigay.

Maxamed Xuseen Cali ayaa magaciisa lagu sheegay ninkan, oo booliska ay qabteen isagoo hoobiye ku tuurayay degmada Deyniile, oo ku taalla waqooyiga Caasimadda, taasoo kamid ah goobaha ugu amniga xun, oo Al-Shabaab ka buuxdo.

Al-Shabaab ayaan ka hadlin arintan, laakiin waxaa xusid mudan in mudooyinkii dambe ay soo kordheen weerarada hoobiyeyaasha ee lagu bartilmaameedsado goobo dowladeed oo ay kamid tahay Villa Soomaaliya.

Hay'adaha amniga Dowladda Soomaaliya ayaa ku fashilmay inay kahor tagaan weerarada hoobiye isla gudaha magaaladda Muqdisho laga soo tuuro, kuwaasoo lagu soo beego xiliyadda xaalad siyaasadeed dalka ka jirto.

Sidoo kale, waxaa madaafiicda lagu weeraraa Xalane, oo ah xarun ay degan yihiin UN-ka, Safaaradaha reer galbeedka, hay'ado kale oo caalami ah iyo Taliska AMISOM, waana meel kamid ah goobaha sida aadka ah amnigooda loo ilaaliyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bangiga Adduunka oo ka fiirsanaya inuu hakiyo taageerada miisaaniyadeed ee Soomaaliya

Deeqbixiyaasha Caalamka ayaa la sheegay inay diidan yihiin lacag inay siiyaan dowlad mudo-xileedkeedu dhamaadey.

  • Soomaliya

    16-11-2026

  • 08:35AM

Al-Shabaab oo la wareegtay deegaanka Comaad ee gobolka Hiiraan

Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli isbeddel lagu sameeyay dhaq-dhaqaaqa ciidamada dowladda federaalka ee gobolka Hiiraan.

  • Soomaliya

    15-11-2026

  • 09:45AM