Al-Shabaab hoobiye tuurayay oo lagu qabtey Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada amniga dowladda Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay nin ay sheegeen inuu katirsan yahay Kooxda Al-Shabaab, kaasoo sawiradiisa warbaahinta loo soo bandhigay.

Maxamed Xuseen Cali ayaa magaciisa lagu sheegay ninkan, oo booliska ay qabteen isagoo hoobiye ku tuurayay degmada Deyniile, oo ku taalla waqooyiga Caasimadda, taasoo kamid ah goobaha ugu amniga xun, oo Al-Shabaab ka buuxdo.

Al-Shabaab ayaan ka hadlin arintan, laakiin waxaa xusid mudan in mudooyinkii dambe ay soo kordheen weerarada hoobiyeyaasha ee lagu bartilmaameedsado goobo dowladeed oo ay kamid tahay Villa Soomaaliya.

Hay'adaha amniga Dowladda Soomaaliya ayaa ku fashilmay inay kahor tagaan weerarada hoobiye isla gudaha magaaladda Muqdisho laga soo tuuro, kuwaasoo lagu soo beego xiliyadda xaalad siyaasadeed dalka ka jirto.

Sidoo kale, waxaa madaafiicda lagu weeraraa Xalane, oo ah xarun ay degan yihiin UN-ka, Safaaradaha reer galbeedka, hay'ado kale oo caalami ah iyo Taliska AMISOM, waana meel kamid ah goobaha sida aadka ah amnigooda loo ilaaliyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM