Axmed Madoobe oo khudbad xasaasi ah ka jeediyay Shirka Kismaayo [DAAWO]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Waxaa magaalada Kismaayo ee xarunta KMG dowlad goboleedka Jubbaland ka furmey shalay shirka qaran ee dib u eegista dastuurka Soomaaliya kaas oo muddo Afar cesho ah socon doona.

Shirkan oo ay ka qeybgalayaan mas'uuliyiin heer Federaalka iyo dowlad goboleedyada iyo sidoo kale xubnaha Gudiga Dastuurka ee labada Golle ee Baarlamaanka ayaa looga hadlayaa sidii shacabka ay uga talo dhiiban lahaayeen dib-u eegista Dastuurka.

Khudbad uu ka jeediyay Shirka Hay'adaha Dastuurka, ayuu Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe ku sheegay in Dastuurka uu noqday mashruuc aan dhamaanin, oo qolobo meel u qaadato, taasoo keentay inuu khilaaf ka dhamaan waayo dalka.

Axmed Madoobe ayaa xusay in inta dastuurka uu qabyada yahay ay adag thay in la gaaro dowladnimada Soomaaliya, oo wax lagu heshiiyo, islamarkaana laga baxa khilaafyada siyaasadeed ee dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada.

HALKAN KA DAAWO KHUDBADDA AXMED MADOOBE:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo Dowladda ku Eedeeyay Caburinta Saxaafadda

Xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida warbaahinta waa tiirar muhiim u ah dowlad kasta oo sharciyad leh.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 03:01PM

CC Shakuur: Qofkii Talada dalka la ordo waa laga dhigayaa, hana xigo ama yuusan na xigin

"Qof kasta oo la ordo talada dalka waa laga dhigayaa, ha ahaado mid na xiga ama mid aan na xigin," ayuu yiri C/raxmaan Cabdishakuur Warsame.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 09:43AM