Axmed Madoobe oo khudbad xasaasi ah ka jeediyay Shirka Kismaayo [DAAWO]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Waxaa magaalada Kismaayo ee xarunta KMG dowlad goboleedka Jubbaland ka furmey shalay shirka qaran ee dib u eegista dastuurka Soomaaliya kaas oo muddo Afar cesho ah socon doona.

Shirkan oo ay ka qeybgalayaan mas'uuliyiin heer Federaalka iyo dowlad goboleedyada iyo sidoo kale xubnaha Gudiga Dastuurka ee labada Golle ee Baarlamaanka ayaa looga hadlayaa sidii shacabka ay uga talo dhiiban lahaayeen dib-u eegista Dastuurka.

Khudbad uu ka jeediyay Shirka Hay'adaha Dastuurka, ayuu Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe ku sheegay in Dastuurka uu noqday mashruuc aan dhamaanin, oo qolobo meel u qaadato, taasoo keentay inuu khilaaf ka dhamaan waayo dalka.

Axmed Madoobe ayaa xusay in inta dastuurka uu qabyada yahay ay adag thay in la gaaro dowladnimada Soomaaliya, oo wax lagu heshiiyo, islamarkaana laga baxa khilaafyada siyaasadeed ee dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada.

HALKAN KA DAAWO KHUDBADDA AXMED MADOOBE:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalal Muslimiin ah oo cambaareeyay safaarad Somaliland sheegtay inay ka furanayso Qudus

Waxay sidoo kale si cad u diideen tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo ay sheegeen in ay wiiqayso madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya.

  • Soomaliya

    24-05-2026

  • 12:54PM

Shacabka Muqdisho oo loo oggolaaday inay Codkooda ku soo doortaan Madaxda Degmooyinka

Dowladda federaalka ayaa muddooyinkii dambe waday dadaallo lagu dhisayo goleyaal deegaan iyo doorashooyin ka hirgala gobolka Banaadir.

  • Soomaliya

    24-05-2026

  • 09:33AM