Beesha Caalamka oo ka hadashay wadahadalkii Farmaajo iyo Uhuru

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Saaxiibada caalamka ayaa war kasoo saarey ciidamada dowladdu ku daad-gureysay Gedo iyo dagaalkii 2-dii bishaan March ka dhacay Beledxaawo, oo sababay barakac iyo khasaaro shacab.

War-saxaafadeedka wadajirka ah oo walaac looga muujiyey dhaqdhaqaaqyada gobolka ayaa dhinacyada ku lugta leh oo laga carababaabay Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya loogu baaqay in ay ka fogaadaan isku dhac kale.

Bayaanka ayaa hoosta ka xariiqay ahmiyada ay leedahay iskaashi ay dowladaha ka yeeshaan danaha ay wadaagaan ee amniga iyo xasiloonida.

Dhanka kale, beesha caalamka ayaa soo dhaweysay wadahadalkii madaxweyne Farmaajo iyo dhigiisa Kenyatta, oo ay tibaaxeen in uu hoos u dhigayo xasilooni daradda xuduudka.

Hogaamiyeyaasha oo telefoonka kuwada hadlay 5-tii Maaj ayaa sameeyay guddi ka shaqeynaya arrimaha ammaanka, ganacsiga iyo soo celinta xiriirka diblumaasiyadeed ee mugdiga galay.

"Daneeyeyaasha waxay ku boorinayaan hogaamiyeyaasha in ay qaadaan talaabooyinka laga maarmaanka ah, waxayna hoosta ka xariiqayaan muhiimada uu leeyahay wadahadal toos ah oo dhexmaray Soomaaliya iyo Kenya," ayuu ku daray qoraalka uu nuqul kamid ah uu arkay Garowe Online.

Urur goboleedka IGAD oo looga mahadceliyey doorka uu ka qaadatay qaboojinta xiisada ayaa laga codsadey in ay sii wado wadaxaajoodyadda illaa laga helo xal waara oo dhinacyaddu ku heshiiyaan.

Dhinaca kale, dowlada Soomaaliya iyo mas'uuliyiinta Jubaland ayay ka dalbadeen in ay kawada shaqeeyaan dagaalka Al-Shabaab.

"[Beesha caalamka] waxay ku baaqaysaa in shaqsi kasta oo lagu eedeeyay xadgudubyo bini'aadanimo ama dambiyo ay waajib tahay in lasoo xiro lana marsiiyo waxa uu sharciga ka qabo," ayay raaciyeen.

Ugu dambeyntii, maamulada iyo dowlada federaalka ayay u soo jeediyeen in ay u midoobaan baacsiga ururka Al-Shabaab ayna heshiis ka gaaraan arrimaha hor-tabinta u leh qaranka sidda doorashooyinka iyo deyn cafinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Hal qodob ayaan ka qaadanay war-murtiyeedkii shirka Kismaayo

Wuxuu tilmaamay in dowladda Federaalka ay mar walba u taagan tahay dhegeysiga aragtiyada kala duwan ee siyaasadeed.

  • Soomaliya

    24-12-2025

  • 08:37AM

Gollaha Ammaanka oo Mudo Kordhin u Sameynaya Howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya

Si kastaba ha ahaatee, qoraalka ugu dambeeya ayaa la sheegay inuu xaqiijinayo in howlaha UNTMIS ay dhammaan doonaan 31 October 2026.

  • Soomaliya

    23-12-2025

  • 12:15PM