Caqabadaha iyo fursadaha horyaala ra'iisul wasaaraha magacaaban

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Kadib ku dhowaad laba bilood oo dib u dhac ah, Soomaaliya ayaa yeelatay ra'iisul wasaare cusub, Maxamed Xuseen Rooble, kaasoo xafiiska sii joogi doona illaa Febraayo ee sanadka dambe 2021-ka.

Madaxweynaha muddo xileedkiisu gabaabsiga yahay, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa ku magacaabay wareegto xalay kasoo baxdey xafiiskiisa, isagoo ka codsaday in uu deg-deg kusoo dhiso xukuumad cusub.

Rooble oo 57-jir ah ayaa ku cusub saaxada siyaasada, wallow 15-kii sano ee lasoo dhaafay uu waddanka ku sugnaa isagoo la shaqeynayey Qaramada Midoobay gaar ahaan Hay'addeeda Shaqaalaha Caalamka ee ILO.

Magacaabistiisa ayaa kusoo hagaagtay saacado kadib markii dowlada federaalka iyo maamulada ay qalinka ku duugeen heshiis siyaasadeed oo ku saabsan doorashooyinka 2020-21, kaasoo uu qeyb ka ahayn.

Wasiirka koowaad ee xukuumada federaalka ah ayaa bedelaya Xasan Cali Khayre, kaasoo bishii July 25-keeda uu eryay Golaha Shacabka; isla golahaan ayuu Rooble hortagi doonaa si ay ansixiyaan kahor shaqo bilaabidiisa.

Sidda cadaadada ah, ra'iisul wasaaraha cusub wuxuu xukuumada kusoo dhisi doonaa muddo 30 casho ah, isagoo kadib wasiirada iyo barnaamijkiisa horgeyn doona baarlamaanka si ay mar kale u meelmariyeen.

Hadaba, warsidaha Garowe Online ayaa kusoo gudbinaya falanqeyn ku saabsan caqabadaha iyo fursadaha horyaala Maxamed Xuseen Rooble.

Caqabadaha

Fulinta heshiiska doorashada: Waa mid kamid ah shaqooyinka ugu culus ee horyaala, waxaana ay qeexi kartaa shaqsiyadiisa hogaamineed. Dhaqan-gelinta is-afgaradkan ayaa muhiim u ah qabsoomida coddeynta 2020-21.

Isu soo dhaweynta dowlada iyo mucaaradka: Tani ayaa kamid ah mid kamida tabaha u sahli karta in uu ku guuleysto mudada uu xafiiska joogo. Suurtagalnimada in wasiiradiisa ku daro mucaaradka lama laali karo.

Kalsooni-gelinta daneeyeyaasha: Qaanadaan waxaa ku jira dadka saaxada siyaasadda dibadda ka jooga balse mustaqbalka rajada ka leh iyo Beesha Caalamka, arrintaas oo sanadihii lasoo dhaafay aad hoos ugu dhacdey.

Fursadaha

Furfurnaanta: Dadka isaga yaqaana ayaa ku ammaanay in uu yahay shaqsi furfuran isla markaana dadka u siman yihiin, kana soo shaqeeyay inta badan gobolada dalka, waana fursad uu ku dardargelin karo shaqada hortaala.

Malahan daqar siyaasadeed: Sidaan soo xusnay wuu ku cusub yahay siyaasada, taasoo la macno ahayn in uusan horey u gelin dagane, wuxuuna arrintaan uga faa'iideysan karaa in uu haysto saaxiibadiisa, kuwa cusubna abuurto.

Waaya aragnimada: Wallow uu yahay qurbe joog haysta dhalashada Sweden, hadana dalka ayuu ku sugnaa 15-kii sano ee lasoo dhaafay, waana waaya aragnimo uu ku og-yahay gunta dhibaatooyinka iyo xalka ku haboon.

Sikastaba ha ahaatee, in aad weedaanta u qabato bulsho ama waddan waxba kama bedeleyso qofka aad tahay, hase ahaatee, waxay iftiimineysaa shaqsiga aad tahay. Rooble waxaa si rasmi ah ugu furmay buugga isla xisaabtanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM