Dadaalada Deni iyo Qoor-qoor oo laga digay in la carqaladeeyo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa qoraal wadajir ah ku bogaadiyey madaxweyneyaasha Puntland iyo Galmudug dedaalada ay ku doonayaan in xal loo helo khilaafka doorashooyinka sanadka 2020-21.

"Golaha Midowga musharaxiinta wuxuu soo dhaweynayaan daddaalka Madaxweynayaasha dowlad goboleedka Galmudug Md Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) iyo Puntland Md Siciid Cabdulaahi Deni ku doonayaan xallinta khilaafka hannaanka maamulka doorashooyinka dalka," ayay soo qoreen.

Hogaamiyeyaasha maamulada kale ku goobaabiyey in ay kaalin toggan ka cayaaraan qaboojinta is-mari-waaga coddeynta heer Qaran ee loo balansanyahay.

"Goluhu wuxuu hoggaanka labada dawlad goboleed ku ammaanayaa xilka ay sida gaarka ah iskaga saareen xal u raadinta ismari waaga ku xeeran hirgelinta doorashooyinka dalka. Wuxuuna Goluhu si gaar ah u bogaadinayaa Madaxweyne Qoor-Qoor oo ka dhabeeyey fulinta is afgaradkii bilalwga ahaa ee dhexmaray isaga iyo Golaha," ayay raaciyeen.

Sidda laga soo xigtay bayaankan uu arkay Garowe Online, musharaxiinta ayaa ka digay "isku day walba oo lagu carqaladeynayo dadaalka Deni iyo Qoor-qoor".

"Goluhu wuxuu madaxda dowlad goboleedyada kale ee dalka ugu baaqayaa in ay kaalin togan ka qaataan xal u helista khilaafka maamulka doorashooyinka heer federaal ee 2020/21, wuxuuna Goluhu ka digayaa isku day walba oo lagu carqaladeynayo dadaalka labada Madaxweyne ee Galmudug iyo Puntland, iyo qabashada doorasho aysan heshiis ku ahayn saamilayda siyaasadeed ee dalka," ayay kusoo xireen qoraalka.

Deni iyo Qoor-qoor oo ku shiray Gaalkacyo ayaa ku heshiiyey in ay iska kaashadaan sidii loo xalin lahaa tabashooyinka ka taagan doorashooyinka heer Qaran ee dalka kusoo fool leh.

Arrimaha ugu waaweyn ee la isku hayo waa xubnaha kamid noqonaya guddiyadda doorashooyinka kuwaas oo Villa Soomaaliya faragelisay kuna darsatay saraakiil taabacsan iyo ciidamadda lagu daabulay gobolka Gedo.

Qoraalka musharaxiinta

No photo description available.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Burundi oo Ka Baxay Xawaadley Kaddib Fatahaado – AUSSOM

Ka bixitaanka Xawaadley ayaa imaanaya iyadoo ciidamada Midowga Afrika ay ku jiraan marxalad kala-guur ah oo hoos-u-dhigid ah.

  • Soomaliya

    03-06-2025

  • 11:21AM

Duqeymo Mareykanku Ka Fuliyey Buuraha Calmiskaad Oo Lagu beegsaday Daacish

Mas’uuliyiinta militari ee Puntland ayaa tilmaamay in howlgalka ka dhanka ah ISIS uu marayo gebogebadii.

  • Soomaliya

    03-06-2025

  • 10:53AM