DF oo u dabaaldegtay "guul qabyo ah" oo ay ka gaartey deyn cafinta

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxay u dabaaldegtay "guul qabyo ah" oo ay ka gaartay qorshaha deyn-cafinta kadib go'aan wadajir ah oo kasoo baxay Bangiga Aduunka iyo IMF.

War-saxaafadeedka wadajirka ah ee labadaas hay'addood ayaa lagu caddeeyay in dalka uu ka gudbay mar-xaladdii 1aad, taas oo loo yaqaano Decision Point una dhigana "inuu u qalmo in qaanta laga dhaaf".

Tani macnaheedu waxay tahay in ay harsan tahay mar-xaladda labaad oo loo yaqaano Completion Point, taas oo ah halka ugu dambeysa ee deynta lagu cafin doono, wallow ay horyaalaan shuruudo.

Iyaddoo aan la saadaalin karin mudada ay qaadan karto, IMF iyo Bangiga Aduunka ayaa sheegay in mar-xalada Decision Point ay Soomaaliya u ogolaaneyso in deynta lagu leeyahay oo dhan 4.5 bilyan laga dhimo.

Sidda ku xusan bayaanka oo nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online, waxay noqon doontaa lacagtaas 557 milyan oo Doolar.

Ra'iisul wasaare Xasan Cali Khayre oo habeenimadii Arbacada wariyeyaasha kula hadlay xafiiskiisa ayaa go'aanka kasoo baxay IMF iyo Bangiga Aduunka ku tilmaamay "in dalka laga cafiyey deynta".

Wasiirka koowaad ee xukuumadda federaalka ah ayaa xusay in go'aankaas uu Soomaaliya "u furay albaabo badan oo ah in la aaminay maamulka maaliyadeed ee dalka uuna qaadan deyn cusub".

Balse, wuxuu qiray in ay jiraan shuruudo horleh oo loo baahan yahay in la dhameystiro si loo wada cafiyo deynta.

Intii lagu guda jiray shirka jaraa'id, Khayre ayaa la hor-dhigay xaqiiqada ku saabsan in go'aanka IMF iyo Bangiga Aduunka uu la macno yahay deyn-khafiifin balse uusan ka dhigneyn deyn-cafin.

Hase ahaatee, ra'iisul wasaaraha ayaanan si toos ah uga jawaabin su'aasha oo ahayd in uu sharaxaad ka bixiyo farqiga u dhaxeeya deyn cafin iyo khafiifin.

"Haa, horta waxaan rabnaa in aan idin sheegno shalay meesha aan joognay iyo caawa meesha aan joogno; shalay waxaan joognay in aanu lahayn xiriir furan oo wax nagula aamini karo aanan la lahayn Bangiga Aduunka, Hay'adda Lacagta Aduunka, Bangiga Horumarinta Afrika, shalay waxana joognay in aan nahay waddan nidaamka maaliyadda ka dhacsan; maanta waxaan joognaa wadan Hay'adda Lacagta Aduunka, Bangiga Aduunka , Bangiga Horumarinta Afrika aaney wax shilin oo deyn ah ku lahayn oo aan annagga iyo wadamada deriska iyo kuwa dunida u siman nahay; laba maanta waxaan joognaa in aan nahay wadankii ugu dambeeyay oo loo ogolaadey in deynta laga cafiyey macnaheedu waxay tahay albaab walba maanta ayuu noo furmay fursadna waan leenahay shilin walba oo nagula leeyahay ama Doolar walba oo lagu leeyahay in nagala tirtiro macnahay waxay tahay albaab walba waa laguu furay inta kuu hartayna adigu shaqeyso; wejigaas wuxuu yahay Soomaaliya oo fursad cusub leh; Soomaaliyadana cusubna ma ahan dadka magaalada Muqdisho jooga waa qof walba oo Soomaaliyeed oo dalka gudahiisa jooga," ayuu yiri, isagoo u muuqda mid aanan si toos ah u dul-istaagin jawaabin su'aasha la waydiiyey.

Buuxinta shuruudihii mar-xaladda koowaad ayaa Soomaaliya sidoo kale wuxuu u ogolaanayaa in ay hesho maalgelin caalami ah.

Sikastaba, qoraalka Bangiga Aduunka iyo IMF ayaa burinaya hadaladii ay saddexdii sano ee lasoo dhaafay dowladdu u sheegeysay shacabka oo ahaa in deynta la cafinayo, taas oo muuqata in ay waqti badan u baahan tahay.

MUUQAALKA KHAYRE

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM