Is-qabqabsi soo shaac-baxay kahor xulista baarlamaanka HirShabelle

Image

JOWHAR, HirShabelle - Guddiga doorashooyinka HirShabelle ayaa Talaadada maanta ah wuxuu si rasmiya war-fidiyeenka ula wadaagay jadwalka soo xulista baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedkaas.

Sidda ku xusan qoraalkaas nuqul kamid ah uu arkay Garowe Online, liiska Xildhibaanada waxaa lasoo gudbinayaa 21-ka October. Inta u dhaxeysa 26-28 October waxaa la xalinaa khilaafaadka.

Doorashada guddoonka Golaha Wakiilada ayaa qabsoomeysa 5-ta November illaa 10-ka November, taasoo la macno ah in mudada u dhaxeysa la diiwaan-gelin doono murashaxiinta.

Ma cadda hadii si rasmi ah u dhaqan-geli doono jadwalkan maadaama aysan muuqan shaqo daah-furan oo guddiga waddo lana tuhunsan yahay in Madaxtooyadda u yeeriso go'aanadda.

Dhanka kale, madaxweynaha maamulkan, Maxamed Cabdi Waare oo aan si qayaxan uga soo horjeesan shaacintan, ayaa ku eedeeyay guddiga in uu ku deg-degayo soo saaritaanka jadwalka.

Waare oo guddigan uu isagu magacaabay ayaa qoraal uu kasoo daba-saarey ugu baaqay in ay dib u fariistaan isla markaana shaacinta jadwalka ka horeyso dib-u-heshiisiin loo sameeyo beelaha degaanka.

"Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa Warqad ka soo baxday Xafiiskiisa Lagu Faah faahiyay Sida muhiimka ay u tahay in loo diyaar garoobo Dhismaha Hirshabelada Cusub lana qabto Shirweyne ay isugu imaanayaan Duubabka Dhaqanka, Ugaasyada, waxaana Hormuud u noqonaya Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hirshabelle shirarkaasi inta Guddiga laga soo dhameystirayo oo lagu soo darayo Laba xubnood oo Haween Wax shaqo ma qaban karo," ayaa lasoo dhigay barta Facebook ee Madaxtooyada HirShabelle.

Qoraalka ayaa la raaciyey: "Dhismaha Hirshabelle muhiim uma aha in deg deg loo dhiso waxaa loo baahanyahay In marka hore Laga wada hadlo dhismaha Hirshabelle, lana qanciyo Tabashooyinka Beelaha maadaama ay jiraan Beelo badan oo aan ku qanacsaneyn sida loo qeybsaday Kuraasta Hirshabelle".

Muddo xileedka madaxda haatan joogta ee HirShabelle uguna sareeyo Maxamed Cabdi Waare wuxuu dhamaanayaa bishaan October. Hogaanka maamulkan kuma sugna caasimadooda Jowhar.

Ma ahan wax cusub in mas'uuliyiinta ugu sareysa aysan baaqi ku ahaan karin magaala madaxda sababo la xiriira amni darro iyo beegsi ay kala kulmeen maleeyshiyaadka Al-Shabaab.

Xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa joogitaan badan ku leh HirShabelle. Ammaanka wuxuu kamid yahay caqabadaha ugu waaweyn horyaala coddeynta, ciidamadda amnigana shaqo badan u direysa.

HOOS KA BOGO JADWALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Janan oo ku eedeysan dembiyo culus oo DF u xil-saartey fulinta qorshaheeda Gedo

Gedo ayaa ah barta khilaafka, waxaana dowladda federaalku u aragtaa meel istaraatiiji ah oo lagama maarmaan u ah hirgelinta ajandaha siyaasadeed ee Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 08:06PM

Al-Shabaab oo Ku Guuleystay Dib U Qabsashada Deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay si isdaba joog ah u wadaysay olole dagaal oo ay ku doonayaan.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:53AM