Farmaajo iyo Muuse Biixi oo markii ugu horeysay ku kulmay Addis Ababa

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia - Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Somaliland ayaa markii ugu horeysay maanta oo Talaado ah ku kulmay Addis Ababa, caasimadda Itoobiya.

Kulanka Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo Muuse Biixi Cabdi oo qaatay 40 daqiiqo ayaa dhacay galabta, sidda ay xaqiijiyeen illo wareedyo kala duwan.

Diblumaasiyiin ayaa u xaqiijiyey warsidaha Garowe Online in labada mas'uul ay kuwada hadleen xafiiska Ra’iisul Wasaaraha waddanka Itoobiya, Abiy Axmed.

Illaa hadda ma cadda qodobada ay ka wada hadleen. Mana jiro war-saxaafadeed iyo sawirro ay madaxtooyadda labada dhinac kasoo saareen shirkaas.

"Kulanka wuxuu ahaa mid ay labadooda oo kaliya ay qaateen mana jirin wasiir ama xubno kale oo goobjoog ka ahaa," siddaas waxaa yiri diblumaasiyiinta.

Farmaajo ayaa Itoobiya kaga qeybgalay shir-madaxeedka 33aad ee Midowga Afrika, halka Biixi uu tegay maalin kadib socdaalka madaxweynaha Soomaaliya.

Bogga GO ayaa fahansan in Biixi uu si gaar ah u casuumay Abiy, oo xiriir wanaagsan uu kala dhaxeeyo dowladda uu hogaamiyo Farmaajo.

Kulanka ayaa wuxuu kusoo aadaya iyaddoo khilaaf uu ka dhaxeeyo dowladda Farmaajo oo mudda xileedkeedu gabaabsi yahay iyo qaar kamid ah maamul goboleedyadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Ku Baaqday Xal Nabad Ah oo Lagu Dhameeyo dagaalka Sudan

Wasiir Omar iyo Safiirka Sudan ayaa sidoo kale ka wada hadlay arrimaha bani’aadamnimo, gaar ahaan xaaladda El Fasher.

  • Soomaliya

    03-11-2025

  • 01:33PM

Diyaaradaha dagaalka Turkiga ee T129 ATAK oo lagu arkay Hawada Muqdisho   

Warbixintan ayaa timid iyadoo baraha bulshada lagu faafiyay warar sheegaya in diyaaradahaasi la wareejiyay.

  • Soomaliya

    03-11-2025

  • 06:56AM