Farmaajo: Siyaasiyiinta dagaalka ku jira waxay rabaan in loo yeero

Image

NAIROBI, Kenya – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Nairobi, caasimadda Kenya, kula kulmay ganacsatada Soomaaliyeed, ayaa weerar afka ah ku ekeeyay siyaasiyiinta mucaaradka.

Farmaajo ayaa ku bogaadiyey "dareenka waddaniyeed" ee ay ganacsatadda u qabaan dalkooda iyo doorka wanaagsan ee ay ka qaataan xal u helista duruufaha ku xeeran ee wadamada deriska ah ee ay ku nool yihiin.

Ganacsatada ayuu uga warbixiyey xaaladda siyaasadeed ee dalka, fursaha jira, caqabadaha ku gadaaman dowlad-dhisidda iyo dadaallada socda.

Madaxweynaha ayaa wuxuu ku tartarsiiyey ganacsatada in ay kaalin mug leh ka qaataan gurmadka loo sameynayo dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen fatahaadaha dalka ka jira.

Isaga oo u muuqda mid u jawaabaya dhaliilihii u dambeeyay ee kaga imaanayay siyaasiyiinta mucaaradka, Farmaajo ayaa carabka ku dhuftay in xukuumadiisa aysan dheg-jalaq u siin doonin dhaleeceymaha.

"Dalka bacdamaa uu muddo khalaaso siyaasadeed kusoo jiray, maalin walba waxaa imaanayey siyaasiyiin cusub, sanad walba. Afar sano walbaba siyaasiyiin cusub ayaa imaanayey," ayuu yiri.

Wuxuu ku daray: "Kuwii hore ma tagaan, magaaladday kula joogaan waa active tiradooduba aad ayey u faro badan yihiin. Marka, hadaa tiraahdo tobban iyo labaatan iyo sodon kasoo bixi kun iyaa banaanka taagan oo careysan".

"Oo idaacadaha hortagaan, oo facebook-yadda hortaagan oo kuligood shaqo doon ah, shaqadey rabaanna ah waa waxay yaqaaneyn oo ay soo dhadhamiyeen maxaa yeelay [joogto ma jirto] oo maalin waxbaa la bedelaa".

Hogaamiyaha dalka ayaa tibaaxay: "Waxaas la bedelayna waxay abuurtay siyaasiyiin cusub oo aan [tayadooda] laga faa'ideysan oo is leh lagaama faa'ideysan ga fogaanin magaalada haka fogaanin waa laguu yeeri doonaa".

Isagoo aan cid magacaabin wuxuu xusay: "Qaar waa iska aamusan yihiin qaarna dagaal ayey ku jiraan oo qeyb waxay ka yihiin in lugaha la hayo dowladda, si loo ogaado ama loo xasuusto oo la yiraahdo hebel waa qaylinay bal haloo yeero".

"Caqabad aysan dad badan ku buraarug-saneyn," ayuu ku sifeeyay dhamaan arrimahaan oo uu xusay in ay hadda wajaheyso dowladiisa.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya xili madaxweyneyaashii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud, ay sameysteen Madasha Xisbiyadda Qaran oo ay ku midoobeen lix axsaab siyaasadeed.

Dhinaca kale, madaxweynaha ayaa Soomaalida-Kenya wuxuu ku booriyey in ay saafaradda ka dhigaan sagaalka bilood ee soo aadan "mid muuqaalkeeda uu ka duwan yahay sidda uu waqti xaadirkan yahay xaalka Soomaaliya".

"Dhismaha Safaaraddan idiinka iska leh. Waxaa loo baahan yahay in aad dib u dayactirtaan oo kaalin weyn aad ka qaadataan, si dadka shisheeye aynu ugu muujinno wajiga dhabta ah ee Soomaaliya iyo hawlkarnimada dadkeenna".

Dowladda madaxweyne Farmaajo oo lagu eedeeyo siyaasad liddi ku ah maamul goboleedyadda haatan jira iyo nidaamka federaalka ee waddanka ka tisqaadey ayaa waxaa mudada xileedkeeda kaga haray sanad iyo bilooyin.

MUUQAALKA FARMAAJO

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM