Farmaajo oo weerar afka ah ku qaadey Mucaaradka

Soomaliya
By Wariyaha Muqdisho , GAROWE ONLINE

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwaynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo ka hadlayey munaasabad lagu qabtey Muqdisho ayaa weerar afka ah, kaasi oo cuslaa uu ku qaadey siyaasiyiinta ku kacsan maamulkiisa.

Siyaasiyiinta ayuu Farmaajo ku sifeeyay inay yihiin kuwa "xanaaqsan," isagoo ku eedeeyay inay yihiin kuwa ka shaqaynaya danahooda gaarka ah ayna meel iska dhigeen danta guud ee dalka iyo dadka, taasi oo uu qalyo dhaan adag ka bixiyey.

"Siyaasiga xanaaqsanow ha naga niyad-jabin shacabka, ha rajo jabin shacabka. Siyaasiga xanaaqsan wuxuu ka fekerayaa dantiisa gaarka ah, waxba ma dhaantid inaad dishid marka aad qofka qalbi jabiso," ayuu si cad daboolka uga qaadey Farmaajo.

Madaxwaynaha oo u muuqdey mid ka jawaabay hadallada siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada mucaaradka ku ah siyaasadda dowladdiisa, kuwaasoo inta badan tooshka ku ifiyo qaladaadka Villa Somalia.

"Siyaasiga xanaaqsan waa run waxay ka hadlaa wax xun, dalkaan waa burburey masoo noqonaayo, waxay ka hadlaan Beesha Caalamka noo yimaado hana dhex-dhaxaadiso, taasina ma ahan Astaanta Soomaalida lagu yaqiiney," ayuu raaciyey.

Hadaladaan kulul ee kasoo yeeray Madaxwayne Farmaajo ayaa kusooa adaya xili maamulkiisa uu haatan wajahayo culeysyo siyaasadeed oo ka xoogan sidii hore, xili uu heerkii ugu hooseeyay gaarey cilaaqaadka maamuladda iyo Villa Soomaaliya.

Dowlad goboleedyadda Soomaaliya ayaa mar sii horeysay iclaamiyey inay hakiyeen xiriirkii wadashaqaneyd ee kala dhaxeeyay dowladda Federaalka iyaga oo qiil ka dhigtey inay ku hayso faragelin ay sheegeen inay ku hayso arrimahooda gudaha.

GAROWE ONLINE