Faysal Cali Waraabe oo sheegay inuu la ku kulmay Farmaajo [DAAWO]

Image

BRUSSELS - Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaraadka Somaliland [UCID], Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay inuu magaalada Brussels ee dalka Belgium, kula kulmay Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Farmaajo].

Wuxuu tilmaamay inuu kala hadlay Farmaajo arrimo badan oo ay kamid yihiin deeqaha ay codsaday dowaladda Federaalka in laga jaro Somaliland, xiisada ka taagan Tukaraq, wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland, iyo qodobo kale oo uusan shaacin.

Faysal ayaa xusay in qodobadaan uu sheegay inuu kala xaajooday Madaxweyne Farmaajo ay gabi ahaanba ay isla meel-dhigeen, wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyay inay noqdaan kuwa ka fulo dhanka Madaxtooyadda Soomaaliya.

Isagoo si gaar ah u dul-istaagay xaaladda cakiran ee Tuuladda Tukaraq ayuu sheegay inuu ku eedeeyay Madaxweynaha dalka Soomaaliya inuu ka gaabiyay dhex-dhaxaadinta dhinacyadda isku haya Tukaraq.

"Waxaan usheegay in hadii uusan isaga taageerayn maamulka Garowe uu ka gaabiyay inuu ka shaqeeyo dhex-dhaxaadiyo dhinacyadda diriya, waana ku eedeeyay midaas," ayuu Faysal yiri.

Wadahaladda Soomaaliya iyo Somaliland, oo mar labaad hakad uu ku yimid ayuu Faysal daboolka ka qaaday inay isla meel-dhigeen isaga iyo Farmaajo sidii dib loogu bilaabi lahaa, sida ugu dhaqsiyaha badan uguna macquulsan.

"Ma jiraan waqti la qabtay, laakiin waxaan isku raacnay in dhawaan dib loo bilaabo. Haa waa sida ugu dhaqsiyaha badan," ayuu Gudoomiyaha Xisbiga UCID ee deegaanadda Somaliland shaaca ka qaaday.

Dalab ay ugudbisay dowladda Soomaaliya deeq-bixiyaasha kaasoo ahaa in laga joojiyo Somaliland dhaqaalah ayuu Faysal tilmaamay inay isla soo qaadeen Farmaajo, wallow uusan faahfaahin dheeri ah ka bixin.

"Deeqaha waxaa lagu helaa magaca Soomaaliyeed, Somaliland waxay kamid tahay Soomaaliya, marka waxaan kala hadlay sidii si siman oo cadaalad loogu wada qaybsan lahaa," ayuu sii daba dhigay.

Ugu dambeyn, Faysal oo mar kale ka jawaabay su'aal ku saabsan ka qeybgalkiisa shirka Belgium ayuu tibaaxay inaanu xaadirin isaga shirkaas, laakiin ujeedka uu uyimid Magaaladda Brussels inuu ahaa sidii uu madaxda Soomaalida uga hadli lahaa arrimaha hadda taagan.

"Maadaama dowladeena shirkaan ay qaadacday, inaga shirkaan kama qeybgelin. Balse, waxaan unimd inaan soo dhicino xaqa Somaliland oo Soomaalida kamid ah. Shan ha ahaadeen ama Lix. Somaliland waxay kamid tahay Soomaalida," ayuu kusoo xiray.

Sikastaba, ilaa hadd Villa Soomaaliya wax war ah kama aysan soo saarin warkan kasoo yeeray Faysal Cali Waraabe, kaasoo ah inuu la kulmay Madaxweyne Farmaajo inta uu socday shirka arrimaha Soomaaliya ee Brassels, oo shalay lasoo afjaray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM