Gabar Soomaali ah oo ka sheekeysay qiso ku qasabtay in ay geeri doorbido

Image

TRIPOLI, Libya – Bini'aadamka wax kasta wuu u nugul yahay, inkasta oo adkeysiga laysku dhaafay. Balse, qisooyinku waa kuwa xanuun badan oo qofka mararka qaar ku riixeysa in uu nolosha ka doorbido geeri.

Muna, 17-jir ku dhalatay Soomaaliya balse uga soo carartay markii aabaheed uu dhintay, hooyadeedna awoodi wayday in ay wax ku tarto, ayaa dib u xusuusaneysa mahadhooyin qabsaday intii jidka ku jirtay.

Tahriib ayay ku gashay Libya kahor inta aysan soo marin wadooyinka ay adeegsadaan dadka. Kufra ayay aakhiritaankii ku degtay.

Magaaladaas waa halkii ay ka bilaabatay tacadiyadda foosha ee waxyeeladda daran u geystay qalbigeeda. Falal fool xun oo ay kamid yihiin jirdil, kufsi iyo garacaaris ayaa waxaa u geystay magafeyaal.

Manaxayaashaas ayaa waxay rumeysan tahay in ay u kala dhasheen wadamadda qaarada Afrika dhaca ee Liibiya iyo Ghad.

"Way i jirdileen. Way i garaceen. Kadibna hal habeen, saddex rag ayaa darbiga iigu riixay dibadda ayay ii saareen wayna u kufsadeen," ayay tiri, kadibna ilmadda oohin qiiro leh ayaa kasoo qubatay.

Iyadda oo hadalkeeda sii wadata ayay raacisay: "Waqtiga xaadirkaas, waxaan nacay nafsadeyda. Waxaan doonay geeri.

- "Ma tuuri karo, waa jirkeyga" -

Kaliya ma ahan Muna, waxaa wehlisa Laki, taas oo Soomaaliya uga soo saftay Yemen kadibna soo martay Suudaan kahor inta aysan ugu dambeyntii cago dhigan Liibiya oo qiso xanuun badan ay ku qabsatay.

Intii ay socdaalka kusoo jirtay, magafeyaasha ayaa ka dalbaday lacag, balse ma aysan awoodin in ay iska bixiso lacagtaas.

"Way i jirdileen, xoog ayey iigu shaqeysteen wayna I kufsadeen. Kadib waxaan qaaday Uur, waxaana dhalay cunugaan," ayay xustay.

Markii ugu dambeysay, waxaa bishii June 2018-kii lagu faroxumeeyay Kufra, koonfur bari Libya. Mar kale waxaa lagu kufsaday Bani Walid, koonfurta magaaladda caasimada ah ee Tripoli.

"Waxaan ciqaabta ku arkey indhaheyga," ayay hadalkeeda raacisay, iyadda oo qaraabadeeda ku sugan dalka ku waanisay "inkasta oo ay jaago jirto ayna jiraan dhibaatooyin ha imaanina Liibiya".

Hay'addaha Caalamka ayaa waxay cod dheer kaga codsatay in ay ka wareejiyaan Liibiya ayna geeyaan meel dhaanta.

"ALLE ayaa ku ammaanay oo cunugaan u siiyey. Ma tuuri karo, sababtoo ah waa qeyb ka ah jirkeyga," ayay ku adkeysatay.

Inta badan muhaajiriinta taga Liibiya oo adeegsada Badda Mediterranean ayaa tan iyo bilowgii 2014-kii waxaa la qiyaasay in ku dhowaad 15-kun ay dhinteen iyaga oo isku deyaya in ay ka gudbaan.

Ciidamadda Ilaaladda Xeebaha ee Libya ayaa la halgamaya joojinta qulqulka soo galootiga xili Midowga Yurub uu balanqaaday $250 million oo wax looga qabanayo muhaajiriinta nolosha fiican raadinaya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo beeniyay qoraal lala xiriiriyey

Beenintan ayaa imaanaysa xilli hogaamiyeyaasha labadan maamul ay joogaan Muqdisho.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:13AM

Qaramada Midoobay oo xaqiijisay war dhowaan uu baahiyay Garowe Online

Waxuu isbedelkan imaanayaa xili khilaaf siyaasadeed uu ka jiro Soomaaliya, oo ka dhashay wax ka bedelka dastuurka.

  • Soomaliya

    22-04-2024

  • 05:25PM