Goodax Barre oo ka qoomameeyay hadalkii uu ugu gafay Puntland

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre, ayaa ka qoomameeyay hadaladii uu ugu gafay Imtixaanka dowladda Puntland.

Sabtidii, isaga oo ku sugan magaaladda Jowhar, ayuu Mr Goodax Barre shaaciyey in Imtixaanka Puntland oo shalay bilowday uu guuldareystay, wallow ay beenisay xukuumadda Garowe.

Sidda ku cad war-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda Tacliinta xukuumada federaalka ah, Goodax Barre oo ka xun erayadaasi kasoo yeeray ayaa si cad uga cudur-daartay.

Bayaanka Wasaaradda ayaa qiil loogu dhigay in Wasiirka uu hadalkaasi yiri markii uu yelay akhbaar ku saabsan in madaxweyne Deni uu sheegay in la jabsaday Imtixanaadka Puntland.

Mr Saciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlayay furitaanka Imtixaanaadka Dusiga Dhexe iyo Sare ayaa shaaciyey in Imtixaanka si qasab ah looga jabsaday magaalo balse lagu guuleystay in la xaliyo.

"[Way] habooneyd in [wasiirka] uu raadiyo warkaasi xaqiiqadiisa," ayaa laga soo xigtay qoraalka oo nuqul kamid ah lasoo gaarsiiyey Garowe Online kuna taariikheysan 19-ka Maaj 2019.

Qirashadda Goodax Barre ayaa imaaneysa xili dowlada Puntland ay shaacisay in ay ashtako ka dhan ah wasiirka ay u gudbineyso madaxda ugu sareysa wadanka hadii uusa wasiirku caddeymo keenin.

WAR-SAXAAFADEEDKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM